Jimco, January 05, 2007(HOL): Xoghayaha arrimaha Dibadda Mareykanka Dr. Gondalize Rice ayaa sheegtay in ay dowladdeeda Soomaaliya ugu deeqeyso lacag dhan 16.5 Milayn oo Doollar, taasi oo loo kala qiimeeyay 11.5 Milyan oo lagu iibinayo raashin la siinayo dadka qaxootiga ah, 1.5 Milyan oo loo isticmaali doono caawimaad aan raashin ahayn, halka 3.5 Milyan oo kale loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Qaxootiga ah.
Dr. Rice waxaa ay sheegtay in kaalmada ay Soomaaliya siinayaan ay tahay tii ugu horeysay oo ay ku caawinayaan dad lagu sheegay 18 kun oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku barakacay fatahaadihii dhawaan ay sameeyeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya iyo weliba kuwo kale oo iyana ka barakacay dagaalladii Soomaaliya ka dhacay dhawaan, iyadoo caddeysay in ay diyaar la yihiin kaalmooyin kale oo wax looga qabanayo xaaladaha Bani’aadannimo, ammaanka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Mareykanka ayaa hadda wuxuu u muuqdaa mid u soo jeestay dhinaca Soomaaliya oo uu si heer hoose ah uga hadli jiray, iyadoo taasina ay ugu wacneyd in uu la’aa meel uu ka wajaho Arrimaha Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamadii US/UNOSOM isaga baxeen dalka Soomaaliya bartamihii sagaashamaadkii.
Dhanka kalena, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Jendayi Frazer ayaa sheegtay in Mareykanka uu si weyn u daneynayo in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diro dalka Soomaaliya, si ay u soo laabato xasiloonidii dalka Soomaaliya horay uga jiri jirtay.
Hadalkan waxay sheegtay Jendayi Frazer kadib markii ay kulan la yeelatay Madaxxweynaha Uganda Yoweri Mosafeni oo sheegay in dalkiisa uu diyaariyay ciidamo gaaraya 1000 ilaa 2000 oo Askari, kuwaasi oo ka qeybqaadanaya howlaha Nabad-sugidda Soomaaliya.
“Madaxweynaha Uganda Mr. Yoweri Mosaveni oo xiriir dhinaca Taleefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha Mareykanka George W. Bush ayaa ballanqaaday in uu dalka Soomaaliya u dirayo Ciidamo tiradoodu u dhaxeyso 1,000-2,000 oo Askari, kuwaasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya difaaci doona, isla markaana u tababari doona ciidamadeeda”ayay tiri Jendayi Frazer oo sheegtay in ay rajeyneyso in ay Uganda ciidamadaas u diri doonto Soomaaliya inta aysan dhamaanin bishan Janaayo.
Jendayi Frazer oo magaalada Addis Ababa kula hadashay Warfidiyeenada ayaa waxay halkaas kula kulantay madaxweynaha Uganda Yoweri Mosaveni, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo ku xigeenka Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. Patrick Mazimhaka, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimaha Dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena booqasho ku tegi doonta Dalalka Jabuuti, Yemen iyo Kenya, walow ay jiraan warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in ay sidoo kale booqan doonto dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online