Jimco, January 05, 2007(HOL): Xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sameyso dib u heshiisiin Siyaasadeed iyo qorshe keeni kara in xal loogu helo Soomaaliya.
Mr. Ban Ki-Moon waxaa uu taageeray hadal ay dhawaan soo saartay Xukuumadda Itoobiya, kaasi oo ahaa in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, wuxuuna hadalkaasi ku tilmaamay mid loo baahnaa, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo helo Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo Afrika ka socda.
Bishii December ee aynu ka soo gudubnay 6deedi ayuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayiday baaq ay horay ugu soo jeediyeen Ururrada Midowg Afrika iyo IGAD, kaasi oo ay UN-ka uga codsanayeen in Soomaaliya loo diro Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah, inkastoo go’aanka ka soo baxay UN-ka ay xiligaas si weyn uga soo horjeesteen Maxkamadihii Islaamka ee Muqdisho isaga tegay.
Xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobay oo xilka la wareegay 1-dii bishan ayaa wuxuu soo dhaweeyay dhawaqyo ka soo yeeray Qaar ka mid ah dalalka Afrika, kuwaasi oo sheegaya in ay diyaar la yihiin Ciidamo ay u diraan Soomaaliya, ilaa iyo haatanna waxaa la hubaa in ay
Waxaa uu baaq u jeediyay Xoghaya cusub ee Qaramada Midoobay Dalalka Soomaaliya la deriska ah kuwaasi oo uu ku booriyay in la dhowro madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya iyo weliba xornimada dhuleed ee uu leeyahay Dalka Soomaaliya.
Mr. Ban Ki-Moon waxaa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyada Soomaalida iyo Beesha Caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa baaba’a iyo barakaca soo food saaraya dad badan oo Soomaaliya ku nool, kuwaasi oo ku sugan xaalado Bani’aadannimo.
Waa markii ugu horeysay ee uu Xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon uu ka hadlo xaaladda Dalka Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo xaaladda dalka Soomaaliya ay tahay mid ku jirta marxalad kala guur ah kadib markii ay Maxkamadihii Islaamka oo muddo lix bilood ah ka talinayay deegaano ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay taladii kala wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online