14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Kooxda Xiriirka Soomaaliya u sheegay in ay Soomaaliya heysato Fursad Ciidamo Nabad Ilaalin ah loogu diri karo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 05, 2007(HOL):Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta ka qeybgalay kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen Kooxda Xiriirka Soomaalida ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu heysto fursad lagu caawin karo Hay’adaha Dastuuriga ah ee ka dhisan iyo weliba Shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Yuusuf oo beryahan ku sugnaa magaalada Nairobi waxaa kale oo uu u sheegay Kooxda Xiriirka Soomaalida in haatan Soomaaliya ay ka jirto fursad kale oo aan xilli kasta la heli karin, taasi oo ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loogu diri karo, fursaddaas oo timid kadib markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya ay ka saareen deegaanadii ay ka talinayeen Maxkamadihii Islaamka oo dowladda Federaalka ay aaminsaneyd in ay dalka Soomaaliya soo gelisay Dagaalyahanno Ajnabi ah.

 

Kooxda Xiriirka Soomaalida oo uu Mareykanka taageero ayaa waxay ka arinsanayaan sida dalka Soomaaliya loogu diri karo Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo dowladda Federaalka ku garab gala in ay xukunkeeda ku baahiso guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdisho iyo deegaanadii ay Maxkamadaha Islaamka horay uga talinayeen haatan waxaa ku sugan Ciidamo Itoobbiyaan ah iyo kuwo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo maalinta berri ah isu qorsheynaya in ay Magaalada Muqdisho ka sameeyaan hub ka dhigis xoog ah oo aan dadka loo tureynin.

 

Dhabtii sida muuqata Dowladda Federaalka Soomaaliya kaligeed kuma dhacdo inay xukunkeeda ku fidiso dalka Soomaaliya, taasina waa tan ku kaliftay in ay soo garabsato Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Taangiyo iyo Diyaaradaha Dagaalka, inkastoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu sheegay in uu Ciidamadiisa muddo gaaban uga saarayo dalka Soomaaliya, marka ay dhameystaan howlgallo yar oo ay ku sii baacsanayaan wax uu ugu yeeray Laf-dhabartii Maxkamadaha Islaamka oo uu ku shegeay Al-Shabaab.

 

Sidaas darteed ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed  u codsanayaa in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo ka socda Afrika, inkastoo Ciidamadaas ay yihiin kuwo aan loo heynin dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).