Jimco, January 05, 2007(HOL): Ilaa 3837 Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu rigeeyay Barxadda Xaruntii Xisbiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ugu qudbeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Ciidamada la isugu geeyay Xarunta Xisbiga oo aaney ahayn markii ugu horyesya oo halkaasi loogu qudbeeyo ayaa waxay isugu jireen kuwo howl-gab noqday, kuwo ku sii socda iyo kuwa weli shaqeyn kara balse aan daryeel heysan.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur ayaa Ciidamadaas u qudbeeyay waxayna u jeediyeen hadal niyaddooda dib u soo nooleeyay oo ahaa in la tayeynayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa u sheegay Ciidamadii uu la hadlayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneyso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay noqdaan sidii ay ahaan jireen xiligii hore, wuxuuse ka codsaday Ciidamada in ay diyaar u noqdaan in ay la shaqeeyaan Dowladda, iyadoo dowladdana ay xuquudooda miiska saari doonto.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu u sheegay Ciidamadii uu kula hadlay Xaruntii Xisbiga in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu yahay nin Mileteri ah oo aan moogeyn Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga qudhiisana uu yahay Dhal Mileteri, sidaas darteedna ay kalsooni muujiyaan.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo is-abaabulaya, kuwaasi oo sida uu yiri ay xuquuqdooda xaqiri jireen maamulladii dalka soo maray iyo weliba Maxkamadihii Islaamka oo uu ku eedeeyay in ay necbaayeen saraakiisha Ciidamada iyo dadka aqoonyahannada ah.
Waxaa uu ku baaqay in laga joojiyo Siyaasadda dowladda Federaalka xanta ah in ay dowladda dooneyso in ay kaliya hub ka dhigis ku sameyso Magaalada Muqdisho, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay kuwo aaney waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda hub ka dhigista dalka oo dhan ka sameyneyso, balse waxa magaalada Muqdisho loogu soo hormariyay ay tahay iyadoo Muqdisho ay tahay Caasimaddii Dalka oo aan la kala lahayn.
Wuxuu ku cel celiyay Ra’iisal Wasaare Geedi in ay Ciidamada u diyaargaroobaan ka qeybqaadashada hub ka dhigista iyo sugidda ammaanka, isagoo xusay in ay dowladdu dhawaan dib u howlgelineyso Saldhigyada Booliska, iyadoo maalintii shalay ahaydna la dhaariyay Xubno ka tirsan Golaha Garsoorka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo iyana howshooda qabsan doona.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kaalmeynaya Dowladda Federaalka, isla markaana ay iska iloobaan wixii kala raacay labada ciidan sanado hore, isagoo caddeeyay in ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo dowladdoodaba doonayaan in ay wixii horay u dhacay ku bedeshaan derisnimo wanaag iyo walaaltinimo.
Sidoo kalena waxaa Ciidamada la hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan hub ka dhigista maalinta berri ah ay dowladda bilaabeyso, isagoo sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa la rabo in ay dadka hubka ka qaataan, kuna ilaaliyaan.
Kulankan dhexmaray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalinta berri ah ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiyaanka ay doonayaan in ay Muqdisho ka sameeyaan Hub ka dhigis ka soo gudubtay seddex maalmood oo dadka Muqdisho degan loogu baaqay in hubka iska geeyaan Xarunta Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore ee Muqdisho.
Ugu dambeyntiina Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bur burtay Dowladdii hore aan helin wax daryeel ah ayaa maanta waxay awoodi waayeen in ay Qudbaddii Mas’uuliyiinta dhegeystaan iyagoo taagan, iyagoo sida sawirka ka muuqda iska fariistay markii ay cabaar taagnaayeen. Xiligii Dowladdii Carta ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ayay heleen xoggaa daryeel ah, intii ka dambeysayna waxaa loo sheegi jiray qudbooyin ballanqaadyo wata oo aan wax loogu qaban, waxaana horay isugu keenay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee Dowladda Federaalka ka tirsanaa xiligii ay Dowladda Federaalka Muqdisho iyo Jowhar kala deganeyd iyo Maxkamadihii Islaamka oo soo xusuustay markii ay dagaalka la gelayeen Ciidamadii Itoobiyaanka ee ka awood roonaaday, maanta oo ugu dambeysayna waxay ballanqaad kale ka heystaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadana la eegi doono waxa ay u qabato.