Khamiis, January 04, 2007(HOL): Munaasbad si weyn loo soo agaasimay islamarkaana Xilka looga wareejinayay Mas’uuliyiintii hore ee Maamulka Gobalka hiiraan kana dhacaday Fagaaraha xarunta maamulka gobalka hiiraan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Ugaasyada Gobalka Aqoonyahano Qeybaha Bulshada ku dhaqan Gobalka iyo waliba Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo.
Mas’uuliyiita Maamulkii hore ee heer degamo iyo Gobal oo halkaa Goob joog ka aheyd ayaa hadalo ay halkaa ka soo jeediyeen waxaa ay uga mahad celiyeen Shcabka ku dhaqan Gobalka sidii ay ula shaqeeyeen intii ay hayeen Mas’uuliyada Maamulka Gobalka, Iyagoo dhanka kalana u Rajeeyay Xunaha cusub ee la soo magacaabay in Ilaah la garab galo mas’uuliada loo dhiibay dhinacoodana ay la shaqeeyn doonaan.
Fagaaraha munaasabadu ka dhacaday oo ay Goob joog ka ahaayeen dadka ku dhaqan Magaalada intooda badan ayaa waxaa si Rasmi ah Xilkii loogu wareejiaya Mas’uuliyiinta Dowladu soo magacaawday, oo dhanacooda uga mahad celiyay mas’uuliyiintii ka horeeyay sida ay u aqbaleen Magacaabistooda.
Intii ay Munaasabadu sotay ayaa waxaa ku soo Biiray Madasha Xil wareejinta Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo oo ay weheliyaan saraakiil Itoobiyaan ah, C/kariin oo siweyn dadku u soo dhaweeyay ayaa markiib gacan qaadan Mas’uuliyiintii fadhiday Madasha, Gaar ahaan Mas’uuliyiinta Cusub iyo kuwa Xilka wareejiaya.
Hadal aad u dheer oo uu halkaa ka jeediyay Danjiraha ayuu kaga hadlay siyaasada dowlada Federaalka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Labada dowladood ee Itoobiya iyo waliba soomaaliya,
C/kariin waxaa uu sheegay in hadda Dalku uu jiro Marxalad Malatiri taasoo u jeetada laga leeyahay uu ku Macneeyay in Dalka iyo dadkaba laga difaaco wax uu ku tilmaamay in mar kale ay qabsadaan Cadawgii laga xureeyay oo uu ula jeeday sida muuqata Midowgii Maxkamadaha.
C/kariin waxaa uu intii ku daray in intii ay jirtay dowladu in mar walba ay Raadineysay in laga fogaado dagaal lakiin taan waa ay suuta gali weysay ayuu yiri mar hadii ay cadowga dalka qabsaday ay u soo dhigteen fariisinkii howlada, talaabadii ay qaaday Dowladuna sidan ayeey dhasahay ayuu yiri oo ah in cadawga dhaamaan laga sifeeyo gayiga soomaaliya.
C/kariin Faarax Laqanyo oo hadlka jeedinaya isaga oo ay garbaha ka taanaayeen ciidamo Itoobiyaan ah ayaa sheegay, in Dowlada Itoobiya ee sida uu sheegay ah saaxiib la ah dowlada itoobiya ay leeyihiin Xiriir ku saabsan sidii laysaga kaashan lahaa Arga gixisada Qatarta ku ah Guud ahaan sida uu hadalka u dhigay Geeska Afirca, waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay in soomaalidu garato in maata saaxiibka koowaad ee garab taagan ay tahay dowlada Itoobiya.
Isagoo farta ku fiiqaya ciidamo hortaagnaa ayuu yiri dowlada Itoobiya waa kuwa noo soo tababaray ciidamadan horteena jooga ee amaankeena sugaya Mahad ayeeyna naga mudan yihiin”
C/kariin Faarax Laqanyo oo u muuqday nin ku hadlaya Afka dowlada ayaa sheegay in Dowlada soomaaliya wixii hada ka danbeeya ay meesha ka saarta qaabkii kooxeysiga iyo Qabiilka loona Gudbay in Qaranimo laga wada shaqeeyo,
waxaa kaloo uu soo qaatay Dibad baxyada ka dhacay qeybo ka mid ah Wadamada Yurub ee looga soo horjeedo dowlada itoobiya oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo ay dhigaan dad dano gaar ah leh,
dhanka kale mar uu ka hadlaya Warbaahinta ayuu sheegay in Qaar kood aysan dhax dhaxaad ka aheyn arinta Soomaaliya isaga oo Carabka ku dhaftay Laanta Afka soomaaliga ee BBC oo ku tilamamay in ay tahay mid la dirirsan Qaranimada iyo jiritaanka dowlada Maadaama ayuu yiri inta badan ay adeegsato Erayo lagu liidayo jiritaanka dowlada sida kuwa Taagta daran ee B/dhaba fadhiya lakiin taan hada waa laga gudbay ayuu yiri.
Madasha Xil wareejinta oo dhinacyadii ka soo qeyb-galay ay siyaabo kala duwan u arkeen sida ay wax u dhacayaan ayaa ugu danbeentii waxaa lagu soo gabo gabeeyay Tix suugaan ah oo ka turjumeysay Qarnimada iyo waxa ay tahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online