Khamiis, January 04, 2007(HOL): Waxaa maanta ku eg mudadii loo qabtay Beelaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay hubkooda ku geeyaan goobo ay Dowladda Federaalka farta ugu fiiqday, hayeeshee ilaa iyo haatan ma muuqdo hub tiro badan oo ay dadka Muqdisho geeyeen goobihii loo tilmaamay.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu ugu baaqay dadka Muqdisho in ay hubkooda geeyaan Villa Baydhaba iyo Dekeddii hore ee Muqdisho, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in haddii mudadaas lagu geyn waayo ay dowladdu dadka ka raadsan doonto hubka.
Iyadoo ay Dowladda Federaalka ku baaqeyso in ay dadka Muqdisho iska dhigaan hubka ayaa hadana Suuqyada hubka lagu iibiyo ee Muqdisho waxaa ka jira hub iibsasho xowli ku socota oo ay wadaan Bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo la sheegayo in ay hubka u iibsanayaan iyagoo ka baqaya in dalka uu fowdo gelayo.
Laakin Ra’iisal Wasaare Geedi oo wax laga weydiiyay sida ay isu qaban karaan amarka ay soo saareen ee hub ka dhigista ah iyo hub iibsashada socota ayaa wuxuu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay dadka Soomaaliyeed badankood hubka dhibaatadiisa arkeen, balse haddii ay jiraan dad hub hor leh iibsanaya ay dowladda u iibinayaan, taasi oo uu ula jeeday in ay ka qaadi doonaan marka ay soo iibsadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online