14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dowladda Kenya oo si rasmi ah u shaacisay in ay xirtay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 04, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Mr. Raphael Tuju ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay xirtay xadka kala dhaxeeya Soomaaliya, wuxuuna taasi ku sababeeyay in ay ka hortegeyso in ay dadka qaxootiga ah ee gudaha u gala Kenya ay ku dhex dhuuntaan dad ka tirsanaa Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka iyo iyadoo aysan Kenya qaadi karin culeyska tirada badan ee uga imaanaya Qaxootiga Soomaalida.

 

Mr. Raphael Tuju waxaa uu sheegay in aysan haatan Dowladdiisu u muuqanin wax khatar ah oo ay dadka Soomaaliyeed uga soo carari karaan dalkooda, wuxuuna caddeeyay in aysan caddeyn u heynin in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan gacan ku wada dhigeysa guud ahaan dalka Soomaaliya ay halis kala kulmayaan dadka ay Kenya xadkeeda ka xiratay.

 

Hadalkan uu shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya iyo weliba dad ka cararay Soomaaliya oo dib looga soo  celiyay Kenya  ayaa waxaa ka hadashay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, taasi oo mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in ay arkeen dad qaxooti ah oo laga celiyay xadka dadka Kenya, waxayna dowladda Kenya ugu baaqeen in ay ixtiraamto xuquuqda ay leeyihiin dadka Qaxootiga ah ee magangalyo-doonka ah.

 

Haddaba iyadoo Kenya ay shaacisay in ay xadkeeda xiratay ayaa hadana waxaa jira dad badan oo ka sii cararaya dalka Soomaaliya, iyadoo dadkaasina ay isugu jiraan kuwo nabad iyo nolol doon ah iyo kuwo ay u soo baxeen fursado ay ku aadi lahaayeen dalalka Reer Galbeedka, halka ay jiraan kuwo kale oo iyana Kenya u aadaya in ay dadka fursaha helay ka iibsadaan dukumiintiyada socdaalka ee u soo baxay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay uga codsatay Dowladda Kenya in ay xadkeeda xirato, isla markaana haddii ay aragto ay qabato mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka iyo Xoogaggii ay wateen, ayna u soo gacan-geliso, sidaas darteed waxaad moodeysaa in ay Kenya codsigaas ka jawaabtay, ayna xadkeeda xiratay, si aaney ugu gudbin Dad Soomaaliya ka tegay noocey doonaanba ha ahaadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).