15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya uu keenay Madax adeygii Mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 04, 2007(HOL): Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Sean McCormack ayaa sheegay in Mareykanka uu ciidamo badan geeyay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka hortegaya in ay baxsadaan xubno ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka oo xiriir la leh Al-Qaacidda.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay Ciidamadaas geeyeen xeebaha Soomaaliya kadib markii ay soo gaareen warar sheegaya in shakhsiyaad ay goobayeen Ameerikaanku oo Soomaaliya joogay ay doonayaan in ay Soomaaliya ka baxsadaan, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ka hortegayaan iyagoo kaashanaya dalalka Gobolka ee Soomaaliya ku xeeran.

 

Waxaa uu ka hadlay Mr. Sean McCormack waxa keenay in ay Ciidamada Itoobiyaanku galaan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay taasi timid kadib markii ay Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka la yimaadeen madax adeyg ay kaga soo horjeesteen wadiiqooyinkii wada hadalka, iyagoo sida uu yiri aaminsanaa in ay xoog wax ku qabsan karaan, isla markaana Hay’adaha Dastuuriga ah ee Federaaliga Soomaaliya ku riixayay meel gees ah.

 

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay taageersaneyd in khilaafaadkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka wada hadal lagu dhameeyo, hayeeshee taasi ma aysan dhicin, waxayna wada hadalladii bur bureen sida uu Afhayeenku sheegay kadib markii ay Maxkamadaha Islaamka la yimaadeen dhaqan aan la jaan-qaadi karin siyaasaddii uu Mareykanka ku doonayay in lagu qabto wada xaajoodka.

 

Mareykanka waxaa uu rumeysan yahay in ay maxkamadaha Islaamka gabaadsiinayeen oo ay dalka Soomaaliya ku hayeen seddex nin oo ay u heystaan dembi ah in ay ka dambeeyeen qaraxyo loo geystay Safaarado uu Mareykanka ku lahaa Nairobi iyo Daarasalaam ee dalalka Kenya iyo Tanzania.

 

Ugu dambeyntiina Afhayeen Sean McCormack waxaa uu sheegay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay xaaladda Bani’aadannimo oo ka jirta Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu Mareykanku gargaar siin doono Soomaaliya, iyadoo uu sidoo kalena xiriir la sameyn doono wadamada deeqaha bixiya, si Soomaaliya loo caawiyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).