Khamiis, January 04, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan wuxuu ka raaligeliyay hadalkii uu sii daayay Xuseen Caydiid ee ahaa in ay doonayaan in la baabi’iyo xuduudaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay hal Baasaboor yeeshaan.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in aysan jirin wax ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan ka ahayn in ay derisnimo wanaag ku wada noolaadaan, isla markaana ay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah ammaankooda.
Sidaas darteed Prof. Geedi waxaa uu sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Dibadaha ku nool uu ka raaligelinayo hadalkii uu sheegay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Xuseen Caydiid, wuxuuna sheegay in aysan mar dambe dhici doonin in uu Wasiir ama mas’uul ka tirsan Xukuumaddiisa uu ku hadlo hadallo sidaas oo kale ah.
Hadalkan uu maanta soo saaray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay siyaasiyiin, waxgarda iyo aqoonyahan ugu baaqeen dowladda Federaalka in ay kala caddeyso in hadalkii uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Inj. Xuseen Caydiid uu ahaa mid Xukuumadeed ama mid qof shakhsi ah ka yimid.
Inj. Xuseen Maxamed Caydiid oo maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in hadalkiisa ay saxaafadda u fasirtay si uusan u dhihin, isagoo sheegay in uu ula jeeday warka uu bixiyay in ay labada dal wixii wanaag ah oo dhan iska kaashadaan, ganacsiga la isu furo, shacabka labada dalna ay Visa la’aan isu socdaalaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online