15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Bulshada Rayidka Muqdisho oo Talooyin u gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 03, 2007(HOL):  Xubno ka socday qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka Magaalada Muqdisho oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka u soo jeediyay talooyin ay ka mid ahaayeen:

 

In si deg deg loo magacaabo guddi ku meel gaar ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo howshooda noqon doonto sugidda ammaanka iyo soo celinta adeegyada aas aasiga ah, isla markaana u diyaariya Gobolka Banaadir maamul rasmi ah oo dastuuri ah.

 

In si deg deg ah dib loogu furo Dekedda, Garoonka Diyaaradaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee kale iyo in la joojiyo aar-goosiga, hanti boobka iyo falalka guracan ee keeni kara colaad, isla markaana wax u dhimi kara nabadgelyada.

 

Sidoo kalena waxay soo jeediyeen talo ku wajahan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho, waxayna codsadeen in ciidamada Itoobiyaanka la geeyo magaalada bannaankeeda, iyadoo laga hortegayo isku dhacyo dhexmara Ciidamada Itoobiyaanka iyo dadweynaha Muqdisho.

 

Waxay ku baaqeen oo kale in laga hortago dhimasho, burbur iyo barakac kale, isla markaana si shuruud la’aan ah loogu noqdo miiska wada hadalka, iyo in la soo de-dejiyo ciidamadii isku dhafka ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horay u ansixiyay in loo diro Soomaaliya.

 

Xubnaha Bulshada Rayidka ee talada u jeediyay Dowladda Federaalka waxaa ka mid ah:

 

C/llaahi Maxamed Shirwac, Axmed C/salaan Xaaji Aadan, C/qaadir Maxamed Nuur (Inj. Eenow),  Axmed Maxamed Jaamac, Maxamuud Cali Ugaas, Xuseen Geedi Jimcaale, Axmed Abroone Amiin, Macallin Nuur Maxamed Siyaad, Cabdi Muxumed Amiin, Aamina Xaaji Cilmi iyo Caasha Shaacuur Ugaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).