15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Diyaaradaha Dagaalka Itoobiya oo si qaldan u duqeeyay Xadka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 03, 2007(HOL):  Diyaaradaha Dagaalka Itoobiya, gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka ayaa waxay si qaldan u duqeeyeen deegaano ku yaala xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaana dhinaca xigta Dalka Kenya.

 

Lama soo sheegin cid duqeyntaas wax ku noqotay, hayeeshee waxaa ka xumaatay Dowladda Kenya oo halkaasi ay u joogeen Ciidamo tiro badan oo ilaalo ka haya xadka Soomaaliya kala dhaxeeya.

 

Diyaaradaha duqeeyay Xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ayaa waxaa la sheegay in ay ka duuleen Magaalada Kismaayo oo haatan ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah, waxayna diyaaradahaas sida la sheegay baadi goobayeen Xoogaggii iyo mas’uuliyiintii Maxkamdaha Islaamka ee Kismaayo isaga baxay.

 

Tani waxay caddeyneysaa in uusan jirin xiriir dhinaca Mileteriga ah oo ka dhaxeeya Dowladaha Kenya iyo Itoobiya, haddiiba ay diyaaradaha Itoobiyaanka duqeynayaan deegaano ay ka taliso Dowladda Kenya, welibana ay ku sugan yihiin Ciidamadeeda.

 

Ugu dambeyntiina, waxaan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii ay aadeen Mas’uuliyiintii Maxkamadaha iyo Ciidamadii ay wateen oo markii  ugu dambeysay la ogaa iyagoo magaalada Kismaayo dhinaca Galbeedka uga sii baxaya, inkastoo ay jiraan warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in mas’uuliyiintii sare ee Maxkamadaha Islaamka ay Kenya galeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).