Arbaco, January 03, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in nin hubeysan oo la sheegay in uu ka haray Maxkamadihii Islaamka uu weeraray Ciidamo Itoobiyaan oo halkaas ku sugnaa, kuwaasi oo uu ka dilay seddex Askari.
Ninkani oo weerarro dhowr ah ku qaaday fariisin ay Ciidamada Itoobiyaanka Jilib ku lahaayeen ayaa isna aakhirkii la dilay kadib markii ay ku raad-joogsadeen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwii dowladda Federaalka ee ku wada sugnaa Degmada Jilib.
Markaasi kadib ayaa la sheegay in ay ciidamada Itoobiyaanku bilaabeen in ay guryaha baaraan, iyagoo baadi goobaya dad hub heysta, iyadoo habeenkii xalay ahaana arrintaas darteed bandow loogu soo rogay.
Waa markii koowaad oo Ciidamada Itoobiyaanka lagu qaado weerar gaadmo ah tan iyo markii ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, isla markaaana ay la dagaalameen xoogaggii maxkamadaha Islaamka.
Dhanka kalena Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay habeenkii xalay ahaa nin lagu magacaabi jiray Cali Kalaay oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Maxkamad Islaamka oo Degmada Afgooye ka jirtay, iyadoo falkaasina ay si weyn uga xumaadeen dadka deegaanka oo sheegay in ay aaminsan yihiin in ninkaas loo dilay sabab la xiriirta Maxkamadihii Islaamka ee uu ka tirsanaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online