Arbaco, January 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Xuseen Maxamed Caydiid oo xarunta Villa Somalia kulan kula qaatay odayaal dhaqameedyo ayaa sheegay in Duubabka dhaqanka looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan sidii dalka Soomaaliya loo xasilin lahaa.
Xuseen Caydiid waxaa u ka hadlay gacan siinta Dowladda Federaalka ee Ciidamada Itoobiya, wuxuuna ku dheeraaday ammaan uu u jeediyay dowladda Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaaraheeda Meles Zenawi. Wuxuu sheegay Xuseen Caydiid in Itoobiya ay abaal u gashay dadka Soomaaliyeed, kaasi oo aaney iloobi karin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Qaxootiga Dibadaha ku maqan ee Soomaaliyeed ay 60% ku nool yihiin dalka Itoobiya, iyagoo qaata Baasaboorka Itoobiya
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu canshuurtii laga qaaday dadka Itoobiya uu Soomaaliya wax ugu qabtay, isla markaana uu Ciidamo ugu soo diray, sidaasi darteedna wuxuuna sheegay in ay doonayaan in la baabi’iyo xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay yeeshaan Hal Baasaboor iyo hal Lacag, sida ay u socdaan Dalalka Midowga Yurub oo kale.
Xuseen Caydiid waxaa uu eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Wadamada Reer Galbeedka, kuwaasi oo uu sheegay in aysan Soomaaliya waxba u qaban marka laga reebo in ay dhibaato la daba taagnaayeen, si gaar ahna waxaa uu carrabka ugu dhuftay Ergayga Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mario Raffaelli oo uu sheegay in uu Maxkamadaha Islaamka la safnaa, isla markaana uu dhaqaale loogu talagalay dib u heshiisiinta Soomaalida uu maxkamadaha siiyay.
Haddaba hadalka uu sii daayay Xuseen Caydiid waxaa ka hadlay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo sheegay in Xuseen Caydiid uu fikirkiisa dhiibtay, isla markaana ay goor hore tahay in laga hadlo xuduud isu furis, Baasaboor la mideeyo, wuxuuna tilmaamay in haatan howsha taala ay tahay in nabadgelyada Soomaaliya laga shaqeeyo.
Sidoo kalena wuxuu xusay Afhayeenka in hadalka uu sheegay Xuseen Caydiid uusan ahayn mid ka soo baxay Xukuumadda Federaalka, isla markaana uu Ra’iisal Wasaare ku xigeenka fikirkiisa dhiibtay, taasina uu xor u yahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online