15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay qaabka magacaabistiisa ay u dhacday iyo howsha culus ee hortaala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 02, 2007(HOL): Gudoomiyaha Maamulka Gobalka hiiraan ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Federaalka  C/laahi Yuusuf Axmed oo HOL u Waramay ayaa ka hadlay Markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay sida Magacaabistiisu u dhacday iyo waliba  sida uu u arko howsha culus ee hortaala.

 

Xuseen Muxumed Maalin oo ah Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan  waxaa uu sheegay in uusan jirin wax xriir ah oo dhax maray isaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf, balse arrintan ay ka shaqeeyeen qaar ka mid ah  sida uu sheegay xubnaha Xildhibaanada iyo waliba Wasiirrada ka soo Jeeda Gobolka Hiiraan ee fadhigoodu yahay  Magaalada  Baydhabo.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu intaas ku daray in  Ra’iisul Wasaaraha iyo waliba Wasiirka Arrimaha Gudaha ay ka warqabaan Wareegtada uu soo saaray  Madaxweynaha  isagoo sheegay ka hor inta uusan Madaxweynuhu soo saarin in iyaga laga Ansixiyay,

 

Dhanka kale mar uu ka hadlay sida uu u arko Xiliga magaacbistiisu ay ku soo beegantay waxaa uu sheegay in  Howl-culusi ay hortaalo isaga iyo saaxiibadiisa Maamulka kula jiran, waxana uu sheegay  in waqtigan dalku u muuqda mid ka sii gudbaya  Xiligii  Qabiil iyo Nin Jecleysiga laakiin loo gudbayo  waqti loo baahan yahay in Qarannimada iyo Cadaaladda shaqeyneyso.

 

Isagoo intaas ku sii daray in siyaasadiisa ugu horeysa ee uu ku wajahayo howsha-culus ee hortaala ay tahay Bal in marka hore dadka la fahasiiyo wax Qaranimadu tahay maadaama la soo maray ayuu yiri  in ka badan  16 sano oo fowdo ah,  gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Jiilka amaba dhiiga cusub oo u baahan ayuu yiri in nolashooda mustaqbalka wax badan laga badalo.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu dhinaca kale sheegay in Soomaaliya hadda ay ka baxday xiligii Hoggaamiye kooxeedka, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo  sidii loo adkeyn lahaa Qarnimada iyo horumarinta Bulshada.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu ku dhashay Tuulada Mabaax oo ka tirsan Gobalka Hiiraan sanadkii 1960kii, waxaana sida uu sheegay uu Digsigiisii sare uu ku dhameystay  Machadka Isgaasiinta Qaranka ee Magaalada Muqdisho isaga oo isla markaana 2 sano oo Takhasus ah ku aadan Isgaarsiinta iyo xiriirka Bulshada ku qaatay isla Macahda.

 

Sanadkii 1983-85  ayuu sida uu sheegay waxaa uu waxbarasho dibadeed uu u tagay Dalka Jarmalka halkaas oo sida uu sheegay uu ku diyaariyay  Shahaadada  Injineeriyadda,  isagoo sidoo kalena waxbarasho dibadeed ku soo qaatay  Wadamada  Japan iyo Masar.

 

Sanadkii 1985 waxaa uu Agaamisme ku xigeen ka noqday  Waaxdii Telfoonnada ee Boosatada iyo Isgaarsiinta,  halka Sanadkii 1987-90 uu Agaasime ka ahaa Isgaarsiinta dibada ee Wasaaraddii Boostada.

waxaana sidoo kale xusud mudan in  sanadkii  1991 Xiligii uu bur buray Nidaamkii Dowliga uu noqday Maareeyaha  Dulimaadka iyo Saadaasha Hawada.

 

Guddoomiyaha ayaa ka hor inta aan loo soo magaacaabin xilkan cusub waxaa uu ahaa shaqaale ka tirsan  Hay’adda Save the Children-UK, gaar ahaan Xafiiska Magaalada Beledweyne.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).