15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo soo bandhigay Askartii uga dhimatay iyo dhaqaalihii uga baxay dagaalkii ay la galeen Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 02, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo Baarlamaanka Dalkiisa uga warbixinayay xaaladda Ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku guuleysteen 85% howlihii ay Soomaaliya u galeen, wuxuuna caddeeyay in inta u harsan ay soo dhameystiri doonaan, dababdeedna ay isaga bixi doonaan dalka Soomaaliya.

 

Meles Zenawi waxaa uu sheegay in howlgallada u harsan Ciidamada Itoobiya ay yihiin ay sii ceyrsadaan wax uu ugu yeeray Laf-dhabartii Maxkamadaha Islaamka oo uu ku sheegay Al-Shabaab, Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka iyo Dagaalyahanno Eretereyaan ah oo Maxkamadaha la safnaa.

 

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay taageerayaashii Maxkamadaha Islaamka isku dayayaan in ay qaraxyo geystaan, hayeeshee waxaa uu sheegay in aan taasi laga ogolaan doonin oo laga hortegi doono.

 

Isagoo sii hadlayay wuxuu labo baaq u jeediyay Dowladda Federaalka, kuwaasi oo kala ah in aysan soo dhaweysan Hoggaamiye Kooxeedyadii 16-ka sano iyo in ay Wada hadallo la furto dhamaan dhinacyada Soomaalida, si aaney dhibaato kale u imaanin.

 

Dhanka kalena, Wargeys ka soo baxa Magaalada Addis Ababa oo lagu magacaabo Reporter ayaa daabacay in uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya sheegay in ay 500 oo Askari ay Itoobiya kaga dhimatay dagaalkii ay la gashay Maxkamadaha islaamka, sidoo kalena ay howlgallada Ciidamada ku kharash-gareysay ilaa Hal Milyan oo Doollar.

 

Waxaa kale oo uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya u sheegay Wargeyskaas in aysan jirin kaalmo uu Mareykanka ku siiyay in ay Ciidamada Itoobiyaanka Soomaaliya galaan, wuxuuna sheegay in Ameerikaanku uu ka gows heystay in ay faragelin Mileteri Itoobiya ku sameyso Soomaaliya, walow uu qirtay in Mareykanka iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xiriir dhinaca sirdoonka ah.

 

Hadalkan uu sii daayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay wiiqantay awooddii maxkamadaha Isalamka ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena uu Magaalada Muqdisho ku sugan yahay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubno aan badneyn oo ka tirsan labada Gole ee Dowladda, sidoo kalena ay fariisimadoodii dib ugu soo noqdeen qaar ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii 16-ka Sano oo ay Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka ku qasbeen in ay iyagoo eegaya Hubkoodii iyo Maleeshiyooyinkoodii ka tagaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).