13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Is-bedalka Dhinaca Maamulka ee Gobolka Hiiraan saameyn intee la eg ayuu ku keeni karaa Siyaasada Gobolka?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 02, 2007(HOL): Kadib 8 Maalmood markii ay maamulka Gobalka hiiraan mar kale la wareegeen   Mas’uuliyiinta Maamulkii uu hor kacayay  Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxaa shacabka Gobalka hiiraan Dhagahooda soo gaaray  War ku saabsan in Xilalkii laga qaaday  Mas’uuliyiintii Maamulka Gobalka hiiraan, Iyada oo wareegto ka soo baxaday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada federaalka lagu soo Magacaabay  Mas’uuliyiin Cusub.

 

Xubnaha Cusub ee ku jira Liiska la soo saaray oo ah kuwo siweyn looga yaqaan Gudaha Gobalka, ayaa Magacaabistooda  waxaa markiiba ka jawaabay  Qaar ka mid ah Aqoonahayada, Qeybaha Bulshada, iyo waliba xitaa Qaar ka mid Mas’uuliyiinta Maamulkii hore.

 

Aqoonyahanada arinta ay HOL wax ka  weydsiisay sida  ay u arkaan Isbadalka dhacay ayaa Fikirkooda ku soo uruuriyay in wax lala yaabo aysan aheyn in Dowladu ay soo saarto Amar wax lagu kala badalayo, lakiin mar walba muhiimadu tahay in  la eego  sameynta ay keeni karto,  Aqoonyahanadu waxaa ay intaa Raacinayaan in Magacaabistan Cusub  laga dhaxli karo Siyaasad hor leh in uu gobalku galo, taasoo marka dhan laga eego wax badan ka badali karta sidii ay arimuhu markii hore isugu dhax yaacsanaayeen, taasoo xitaan laftirkeeda lagu xirayo hadba sida ay u shaqeeyaan mas’uuliyiinta la soo magacaabay.

 

Qeybaha Bulshada oo arintan Iyaguna siweyn uga sheekeysanaya ayaa intooda badan kuu sheegaya in Dowladu ku deg degtay Xil ka qaadisata Maadaama wali xaalku uusan sal dhigay,

waxaana ay intaa dadku ku darayaan wax badana iska weydiinayaan,  Malaga yaabaa in tani ay keento Jahwareer Siyaasadeed,  Walow Qaarkood ay cabirayaan in  Xaalku sidii hore aheyn oo hada Dowlada Amarkeedu uu sheqeynayo.

 

Xil ka qaadistan oo markii laga maqlay gudaha Gobalka su’aasha ugu weyn ee dadku iswey diinayay waxaa ay aheyd waxa ka imana kara Xubanaha la badalay oo in ka badan 5 Bilood qeybo ka mid ah Dhulka Itoobiya u joogay Galaan-gal ay doonayeen in ay mar kale ku hantaan Maamulka gobalka, taasoo markii ay u Rumoodayna dowladu kala Dirtay.

 

Walow aan wali wax war ah laga heyn Mas’uuliyiinta xil ka qaadista lagu sameeyay, dhanka kale waxaa cadaan ah in Xitaa hadii aysan Raali ka aheyn sida wax loo mamulay aysan wax isbadal dhinaca siyaasada ah aysan ku keeni karin habsami u socdka howlihii maamulka,  maadaama hada Dowladdu u muuqto mid ku baaheysa Guud ahaan gobalka awoodna u leh meelmarinta Go’aamada ka soo baxa.

 

Dhanka kalena Guddoomihii hore ee Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) iyo ciidamo ka amar qaata oo ka gadooday maamul cusub oo gobolka loo magacaabay ayaa waxay qabsadeen Xarunta Gobolka, iyagoo sheegaya in magacaabista maamulka cusub ay tahay mid aan cadaalad ahayn.

 

Aadan Garaaso waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay maamulka gobolka Hiiraan u magacawday sida uu hadalka u dhigay dad aan ka qeybqaadan halgankii lagaga soo horjeeday Maxkamadihii Islaaamka ee gobolka muddo lix bilood ah ka talinayay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).