Talaado, January 02, 2007(HOL): Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa ka digay in gobollada Jubbooyinka dib loogu soo celiyo Isbaheysigii Dooxada Jubba ee uu hoggaamin jiray Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.
Xildhibaanadan oo kala ah Axmed Maxamed Luxoos iyo Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in aan loo baahneyn soo laabashada Isbaheysigaas, waxayna dadka Gobollada Jubbooyinka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan u muuqata mid ay gacanteeda soo wada geleyso talada dalka Soomaaliya.
Hadalka ay soo saareen Xildhibaanadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo horay u hoggaamin jiray Isbaheysigii Dooxada Jubba, waxayna taasi dadka qaarkiis u fasirteen in uu Barre Hiiraale doonayo in uu dib boorka uga jafo Isbaheysigii Dooxada Jubba.
Hayeeshee Col. Barre Hiiraale oo la hadlay dadka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu dhamaaday xiligii Isbaheysiga Dooxada Jubba, haatanna ay shaqeyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah mid heer Qaran ah, sidaas darteedna dadka looga baahan yahay in ay taageeraan oo la shaqeeyaan.
Dhamaan Hoggaamiye Kooxeedyadii ay maxkamadaha Islaamka ka ceyrsadeen magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa markii ay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka talin jireen waxay sheegeen in ay ka dambeeyaan Dowladda Federaalka, iyadoo aan ilaa iyo haatan la heynin Hoggaamiye Kooxeed sheegaya in uu ku laabanayo hoggaamiye kooxeednimadiisii hore.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online