13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Shacabka Muqdisho u qabtay in ay muddo 3 maalmood ah hubkooda ku wareejiyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, January 01, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho inay hubkooda geeyaaan Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore  ee Muqdisho, halkaasi oo ay diyaar ku yihiin Saraakiil Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo hubka diiwaangelinaya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Geedi waxaa uu sheegay in ay amarkan soo saareen kadib markii ay la tashadeen Bulshada magaalada Muqdisho qeybaheeda kala duwan, isagoo carrabka ku dhuftay in ay qorshaha hub ka dhigista ay horay u waday Dowladda Federaalka.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in hubka la dhigo si ammaanka loo sugo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maleeshiyooyinka haddii hubka laga dhigo loo sameyn doono dhaqancelin iyo tababarro, isla markaana aysan dhici doonin in magaalada la isaga sii daayo.

 

Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in dagaalkii shalay nawaaxiga Jilib ku dhexmaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay dagaalkaas guulo ka gaareen, isla markaana ay Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku sii siqayaan Magaalada Kismaayo.

 

“Waxaan u heysanay inay dagaal ka daaleene mar kale ayay bilaabeen in ay is-abaabulaan, isla markaana ay dagaal u diyaargaroobaan, hayeeshee Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa saaxibadood ah ee Itoobiya ayaa dagaal ku qaaday Ciidamadii ka soo horjeeday, weyna kala firxadeen”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in ay Dowladda Federaalka dagaalka lagu qasbay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).