13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Qaadashada Indho-shareerka oo maalmihii aynu soo dhaafnay muran weyn laga geliyay gudaha Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 01, 2007(HOL): Hadal heynta ugu weyn maalmihii aynu soo dhaafnay Gobalka Hiiraan waxaa ay aheyd sida laga yeelayo Xijaabka iyo Waliba  Indho Shareerka, Kadib markii ciidamada Itoobiyaanku sheegeen in ay si weyn uga baqo qabaan  Xirashada xijaabka Iyaga oo qiil uga dhigaya suurta galnimada in  dad wajigooda  qariyay Qaraxyo geeystaan.

 

Arrintan  oo muran weyn iyo dood ka dhax dhalisay haweenka Qaata Xijaabka ayaa markii danbe Abuurtay in wax badan laga sheego joogitaanka  Ciidamada Itoobiya iyo waliba Qatarta dhinaca Diinta ah ee ka imana karta.

 

Hadal heynta arinta Xijaabka oo meesheedii ugu sareysay gaartay   ayaa sidoo kale waxaa ay sababtay in ay soo faro galiyaan Mas’uuliyiinta Maamulka  Degmada, Iyo waliba kuwa Maxkamada Gobalka oo arintaa ka hadlay.

 

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobalka Hiiraan Shiikh Xuseen Barre Raage oo ay HOL wax ka weydiisay Arimaha la xiriira  Xijaabka iyo waliba Cabashada ay muujinayaan Hawaanka qaata ayaa sheegay in  Xijaabku yahay  wax Ilaah faray in Haweeynku Qaataan  islamarkaana aysan jirin cid is hortaagi karta,  Laakiin waxaa uu sheegay in wax  micno ay san leheyn  in Amaankana la dhowro lagana Tigtoonaado dadka  laga yaabo in Qarxyada geystaan,

 

Mar ay HOL weydiisay taas macnaheedu ma waxaa weeye  ciidamada Itoobiya waa ay u madax banaan yihiin in ay mamnuucaan Idho Shareerka ayuu yiri Gudoomiyuhu “maya  Laakiin marka howlo milatari lagu guda jiro wax yaabo badan ayaa iska dhici kara ayuu sii raaciyay   Shiikh Xuseen Barre

 

Ciidamada Itoobiya oo xiliyada Qaar la arko iyaga oo iska dhax socda Gudaha magaalada ayaa la oran karaa dhibaato weyn ayeey isku Qabaan Haweeynka Xijaaban oo marka ay arkaan ciidamadu Foojignaan gaar ah Galaan,

 

Waxaana xusid mudan  in 25 bishan markii ay gudaha u soo galeen ciidamada Ciidamada Itoobiyaanku Gudaha magaalada B/weyn in ay amar ku bixiyeen in aan la ariki karin Ruux waji xiran, sababo ay ku macneyeen  in ay u sameynayaan dhinac nabad-galyada lakiin dadka qaarkii sayaabo kale u arkay,  Balse marka aad arinka dhan ka eegto ayaa waxaa la oran karaa waa ay dhici kartaa tuhunka ay qabaan ciidamada  oo ah Ruux wax qarxinaya in uu soo xirta Xijaab iyo wax la mid ah.

 

C/axmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).