10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamadoodii oo Kismaayo isaga baxay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 01, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in ay halkaas xalay saqdii dhexe isaga baxeen Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamadii ay wateen, iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii  ay Kismaayo ka aadeen.

 

Ka bixitaanka Magaalada Kismaayo ee mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay timid kadib markii ay gacan ku heynta Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo la socday.

 

Degmada Jilib wax dagaal ah kama dhicin, walow maalintii shalay uu dagaal xooggan ka dhacay duleedka Degmada Jilib, halkaasi oo ay isaga horyimaadeen ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwii Soomaalida iyo Itoobiyaan isugu jiray.

 

Magaalada Kismaayo ayaa la soo sheegayaa in ay haatan xaaladdeedu degan tahay, isla markaana ay dib dhaqdhaqaaq u bilaabeen xubno ka tirsanaa Isbaheysigii Dooxada Jubba oo Maxkamadaha Islaamka ay kala wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

 

Gudaha Magaalada ayaa lagu arkayay saakay gaadiid ay Maxkamadaha Islaamka ka tageen oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa lagu tamashleeyo, kuwaasi oo dad rayid ah ay xaruntii Maxkamadaha ka soo qaateen.

 

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegi karta halkii ay aadeen mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ee iyagu xalay isaga baxay meeshii ugu dambeysay ee ay Koofurta Soomaaliya uga sugnaayeen, walow la sheegayo in gaadiidkii ay wateen uu Kismaayo dhinaca Galbeedka uga baxay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).