16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Kenya oo sheegtay in aanu xalka Soomaaliya ku jirin xoog wax lagu raadiyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 12, 2007(HOL): Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in aanu xalka Soomaaliya ku jirin xoog wax lagu raadiyo hayeeshee loo baahan yahay in dib u heshiisiin iyo wada hadal lagu raadiyo xalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Kenya Mr. Raphael Tuju oo booqasho howleed ku tegay dalka Jabuuti ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isla makaana dhawaan la qaban doono uu yahay mid keenaya fursad xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in Dowladdiisu ay aaminsan tahay in aan wax kasta dagaal lagu keeni karin, isla markaana ay taageersan tahay dadaalka dib u heshiisiineed ee ay Dowladda Federaalka waddo iyo weliba shirka dib u heshiisiineed ee ay ku baaqday

Hayeeshee Raphael Tuju waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Dowladda Federaalka in ay isku howsho inay nabad wax walba ku dhameyso, ayna ka digtoonaato xoog wax lagu xalliyo, taasoo uu sheegay in aysan fursad u ahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa dalkeeda waxay ku martigelisay shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgaleen ergooyin ka socday Beelaha Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).