16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Labo Qarax oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 12, 2007(HOL): Labo qarax oo ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah ayaa waxay ka dhaceen goor dhow Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaas mid ka mid ah lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku socday Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxyadaas ayaa mid ka mid ah wuxuu ka dhacay goob ganacsi oo ku taalla isgoyska Sanca, waxaana qaraxaan warar ka soo baxaya ay sheegayaan in uu ahaa mid aan si kas ah loo qarxin, balse uu ka qarxay miis ganacsi oo halkaas yaallay.

Khasaaraha uu qaraxaas geystay ma jirto cid si dhab ah faahfaahin uga bixin karta, inkastoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay isku gadaameen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo halkaas

 baaritaanno ka sameeyay, isla markaana isku howlayay sidii ay ku ogaan lahaayeen cidda qaraxaas ka dambeysay.

Dhanka kale, gaariga ay leeyihiin Ciidammada Dowladda Federaalka ee lala beegsaday qaraxa ayaa ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo ay ka soo dagayeen wafdi ka socday Qarammada Midoobay oo u kuurgalaya xaaladda Soomaaliya.

Gaariga ay wateen ciidammada dowladda ayaa la sheegay inuu qaraxa dhibaato xoog leh  ugeystay, inkastoo aan waxba laga ogaan Karin khasaaraha uu qaraxa dhaliyay, iyadoo goobtaas ay si weyn isugu gadaameen Ciidammada Dowladda Federaalka, iyadoo dad goob joogayaal ana ay sheegeen in goobta qaraxa laga qaaday dad dhaawac ah oo ay Askarna ka mid ahaayeen.

Labadan qarax ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay la xiriiraan qaraxyo maalmihii tegay   dhacayay, kuwaasi oo lala beegsanayay fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qaraxyadanna ay ku soo beegmayaan xili ay gacan ku heynta Caasimadda Soomaaliya ay la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).