9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

BAAQ AY SI WADAJIR AH U SOO SAAREEN JAALIYADDA HAWIYE EE DEGGAN CAASIMADDA CANADA EE OTTAWA

- Advertisement -spot_imgspot_img
April 1, 2007

 

  • Annaagoo og in qabyaaladda iyo qabiil isku kala sooco uu yahay waxa ugu weyn ee hortaagan inuu hirgalo qaran Soomaaliyeed.
  • Annagoo og in hubka ugu weyn ee uu cadawga Soomaaliyeed u isticmaalayo burburinta soomaaliya ay tahay ku kala qeybinta haybta iyo indha la’aan ku raacidda qabiilka.
  • Kadib markii aan aragnay xaaladda murugada badan ee ay Soomaaliya sii mareyso, oo ay maanta taagan tahay inay Itoobiya ka taliso caasimaddii Soomaaliya, madaafiic aan loo meel dayin iyo diyaaradana ay ku xasuuqeyso shacabkii Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana kuwii Muqdisho deganaa.

.

  • Ka dib markii aan aragnay in beesha caalamku ay indhaha ka qabsatay xasuuqa, barakaca iyo xadgudubka ay Itoobiya ku heyso Soomaaliya.
  • Ka dib markii aan aragnay saddexdii baaq ee ay xaaladda Muqdisho ka soo saareen odayaasha iyo waxgaradka beesha Hawiye.

 

Waxaa shir deg deg ah fiidnimadii Axadda oo ay bishan Maarso aheyd 25ka isugu yimid waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo jeeda beesha Hawiye ee degan caasimadda Canada ee Ottawa, waxayna si wadajir ah u soo saareen baaqan:

 

1)       Waxaan si buuxda u taageereynaa dhammaan baaqyadii ay odayaasha iyo waxgaradka beesha Hawiye ka soo saareen magaalada Muqdisho.

2)       Waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka iyo odayaasha beesha Hawiye ee ku nool caasimadda Muqdisho inay ilaaliyaan   midnimada beesha kana feejignaadaan kuwa isku dayaya inay kala qeybiyaan.

3)       Waxaan ka codsaneynaa guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan beesha Hawiye meel kasta oo ay dunida ka joogaanba inay isgarab taagaan dadaallada ay Odayaasha iyo waxgaradka Hawiye ee Muqdisho ugu jiraaan xal u helidda xasuuqa iyo barakaca lagu hayo shacabka Muqdisho.

4)       Waxaan ka dalbaneynaa dhammaan ururada Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamaka ee ka shaqeeya dhinacyada caafimaadka, xuquuqul insaanka, wax u qabashada qaxootiga, dib u heshiisiinta iyo maxkamadeynta dadka xasuuqa geysta, inay si deg deg ah gargaar ugu fidiyaan faragalina ugu   sameeyaan xasuuqa iyo barakaca ay Itoobiya ku hayso shacabka Muqdisho.

5)       Waxaan ka dalbanaynaa dhammaan Odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ka soo jeeda gobolka Puntland inay si deg deg ah u muujiyaan mowqifkooda ka soo horjeeda xasuuqa iyo barakaca umadda somaliyeed.

6)       Waxaan garwaaqsanahay in xalka Soomaaliya uu ku jiro oo kaliya talada oo la wadaago iyadoo dib u heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo dadka siyaasaada isaga soo horjeeda.

 

 Soo saarista baaqan waxaa afhayeeno loogu doortay oo lagala xiriiri karaa:

 

1)       Mustaf Ahmed Ali (Dhaaleey)

2)       Abdiwaxid Osman

3)       Abdulqadir Maxamud Maalin (Ilkacase)

4)       Abdirahman Yusuf Farah (Cirro)

5)       Mohamednur Abdulkarim

6)       Abdi Omar Yalahow

7)       Yacqub Ahmed Dhaqane

8)       Aweys Hussein Biif

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).