9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

DARUUFO ADAG OO LA SOO DARSAY DADKA MUQDISHO EE AAN AWOODA U HELIN IN AY KA BAXAAN GURYAHOODA.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, 1, Apri. 2007 (HOL)  Marka laga soo Maqalka Madaafiicda ka dhaceysa Qoryaha Taangiga iyo waliba  BM ka oo lagu daray Hoobiyaha, ayaa dhanka kale waxaa xusid mudan    in ay jiraan Daruufaha nolaleed oo sameyn Buuxada ku yeeshay dadka dan’yarta ah ee aan awoodin in ka baxaan Guryahooda;
 
intii ay dagaaladu socdeen ayaa Qosaska danyarta ah  ee Madfaca Dushoodu ka soo dhacayo waxaa u dheeraa  Biyo iyo baad laan soo food saartay maadaama awalba nolashoodu tiirsaneyd Suuqyada waa weyn  oo ay u xoogsi tagaan,  wararka naxdinta badan leh ee ka soo baxaya muqdisho ayaa waxaa ka mid ah in hooyooyinka qaar ay u bareeraan si ay wax ugu helaan caruurtooda yar yar Xabada iyo waliba Madaafiicda arxan darada ah ee laysku ridayo, oo qaar kood iyaga oo baadi goobka ku jira meel cidla ah xabadu ku haleesho.
 
Qaar ka mid ah masjidyada magaalada muqdisho ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in lagu dhax-arkay  haween qaar kood wata ilmo dhalan  20 maal mood iyo wax ka yar, oo uga gabanaya Xabada iyo Madfaca dhacaya,  islamarkaana wariyayaasha u sheegay in sababta ay guryadooda uga soo baxeen ay tahay in ay wax u helaan caruurta Sabiga ah oo aan Oohin Afka isku qaban baahi daraadeed.
 
dhanka kale waxaa iyana xusid mudan in ay jiraan Qoysas maalmihii dagaalada aan afka saarin Raashin maamaada aan loo bareeri karin ku dhax socoshada Madaafiicda,  oo hadana hadiiba uu jiri lahaa   Qof   is biimeeya ay adag tahay in uu helo mel uu wax ka iibsado.
 
dadka reer Muqdisho oo awal ku taamayay in ay u baxayaan nolol ku dhisan Nabad iyo Qaran nimo, ayaa hada muujinaya Rajo Beel  Quus ay ka qaadeen ku sii dhax noolaashaha  Caasimadii Muqdisho,  dadka tirada yar ee deegaanka ka dhigtay daafaha caasimada Muqdisho ayaa waxaa laga bixinayaa sawiro aan wanaagsaney,
 
waxaa ay dadkaasi Hoy ka sameyteen geedaha hoostood, iyada oo qaarkoodna ay u dheertay Cuduro soo wajahay, sida  cudurka Shuban Biyoodka oo faro ba’an ku haya dadka ku dhaqan Gobalada dalka,  taasoo  ah daruuf in la xusu u baahan.
 
xaalku hadii uu sidan ku sii socda  waxaa hubaal ah in shacabka soomaaliyeed gaar ahaan ita taagta daran ee ka soo harta Rasaasta iyo Madaafiicda dhaceysa ay u dhiman doonaan  Cuduro iyo gaajo soo food saarta,  waxaana haboon in Dowlada federaalka iyo waliba dhinaca ka soo horjeeda oo labaduba ah dad soomaali ah hoosta u eegaan marxalada iyo Ayaan darada la soo darista shacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.
 
C/raxmaan Diini
Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).