9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

MAGAALADA MUQDISHO OO SAAKAY ILAA XALAY MADAAFIICDII KA NASATAY WALOW WALI LA MAQLAYO RASAAS GOOS GOOS AH.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, 1, Apri. 2007 (HOL)   Magaalada Muqdisho wali ah caasimad Magan u noqotay dagaalo kuwii ugu cuslaa ee soo mara sanadihii aynu soo dhaafnay ayaa wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan habeenimadii xalay ilaa saakay aan laga maqal dhawaaqa Madaafiicda walow wali ay jiraan Rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan dhinacyada is haya.
 
sida uu ku waramayo Wariye  Salaad Xiis oo jooga Magaalada Muqdisho waxaa jira Dadaalo aan cago badan ku taagneyn oo ay wadaan Odayaal iyo wax-garad reer Muqdisho ah kuwaasoo looga gon leeyahay sidii loo joojin lahaa dagaalka lagu hoobtay ee wali ka socda qeybo ka mid ah caasimada Muqdisho.
 
Saakay gobaha Rasaasta laga maqlayo ayaa waxaa ka mid ah  Xaafada Cali Kamiin, iyo waliba Garoonka Stadio Muqdisho, oo mar marka qaar  labada garab ay isku ridayaan Rasaas aan sidaa u badneyn.
 
Af-hayeeka  Beesha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye oo jooga Muqdisho ayaa sheegay in dhinacooda ay ku baaqayaan in xabada la joojiyo si markaa loo wada hadlo, waxaana wararku intaa ku darayaan in sidoo kale ay jiraan Duubab ku soo biiray qorshaha nabad-raadinta Muqdisho, sida Imaam Max’muud Imaan Cumar oo sheegay in Dowlada iyo waliba kooxa ka soo horjeedaba uu ugu baaqayo in marka hore xabada la joojiyo.
 
Iskatoo dadaalka aan cagaha adag ku taagneyn uu jiro ayaa hadana waxaa wali si xooli ah u socda barakaca dadka Muqdisho oo u arka joogsiga Madaafiicda Fursad soo martay si ay guryaha uga baxaan maadaama qaar ka mid ah Qoysaska Qaxaya aysan mudo sadax maalmood ah guryahooda ka soo bixin.
 
sidoo kale dhibaatada Adag ee ka taagan caasimada Muqdisho ayaa  waxaa ay saameyn muuqta ku yeelatay Goobaha caafimaadka oo hada soo saaraya qeylo dhaan la xiriirta in aysan Awood Buuxda u leheyn qabilaada dadka iska soo daba dhacaya ee la gaarsiinayo, waxaana Isbitaalada ilaa hada cabanaya ka mid ah  Isbitaalka  Madiina, Keysaneyn, iyo waliba Xayaad, oo ah kuwii ugu badnaa ee la dhigay dadka dagaalka ku wax yeeloobay.
 
Sikastaba Caasimada Muqdisho oo marka aad eegto u muuqata mid ay ku dhax-dagaalamayaan ciidamada labo Dowladood oo cadaawad fog isku qabay, ayaa waxaa mar walba laga filan karaa in dagaaladu halkooda ka sii socdaan, maadaama ay is hor fadhiyaan dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo.
 
C/raxmaan Diini
Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).