Axad,
Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/fataax Ibraahim Rashiid ayaa sheegay in uu Col. Barre Hiiraale oo watay 6 Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo uu shalay Tuulada Reydab uu ku dilay ilaa 10 ruux, halka uu sheegay in uu nolosha ku kaxeystay 12 ruux oo kale.
Wasiir ku xigeenka waxaa uu sheegay in Col. Barre Hiiraale markii uu Tuuladaas tegayay uu daba joogay gaari UD ah oo ay horay Maxkamadaha Islaamka uga qabsadeen, wuxuuna sheegay in gaariga uu Tuuladaas geeyay markiisii hore nin dhalinyaro ah oo ka kaxeystay Degmada Diinsoor oo ay mar gacan ku heynteeda la wareegeen Maxkamadaha Islaamka.
Gaarigaas oo Taayarrada ka banjaarsanaa ayaa waxaa intii uusan Barre Hiiraale jiidan waxaa isku heystay oo ku dagaalamayay labo jufo oo ka soo jeeda Beelaha Cowra-maleh iyo Ujuuraan,waxaana la sheegayaa in gaariga ay saarneyd rasaas keentay in uu yeesho qiimaha intaas la eg.
Wasiir ku xigeenka waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in nin Wasiir ah oo shaar dowladeed huwan uu dad rayid ah xasuuq u geysto, wuxuuna Barre Hiiraale ku eedeeyay in uu u socdo aar-goosi, isla markaana uusan rabin in uu si sharci ah oo dowladnimo ah ugu shaqeeyo xilka uu hayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online