Axad, December 31, 2006(HOL): Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka Axmed Shiikh Maxamed Islaan oo isagoo jooga Magaalada Kismaayo Wareysi siiyay Idaacadda BBCda Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in ay Ciidamada Itoobiya kula dagaalami doonaan meel kasta oo ka mid ah dalka Soomaaliya, xitaa Magaalada Muqdisho.
Axmed Shiikh Maxamed Islaan waxaa uu sheegay in ay go’aansadeen in ay la dagaalamaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ay weli ku sugan yihiin deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, inta Kismaayo tagtayna aysan dhameyn 40%.
Guddoomiyaha Gobollada Jubbooyinka ee Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka kula dagaalami doonaan Magaalada Muqdisho, isla markaana sida uu hadalka u dhigay aysan dib u laaban doonin.
Wuxuu sheegay in ka soo bixitaankooda deegaanadii ay horay ula wareegeen gacan ku heyntooda ay ahayd Imtixaan Rabbaani ah oo lagu eegayo Muslimiinta, wuxuuna caddeeyay in aan xoog looga qabsan meelihii ay ka soo baxeen Maxkamadaha Islaamka.
Mar uu ka hadlayay soo dhaweyn ay dadka Muqdisho qaarkood u sameeyeen Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la socda waxaa uu sheegay in dadka soo dhaweeyay ay yihiin kuwii Qaadka iyo Shineemooyinka laga joojiyay, balse ay dadka intiisa kale ka soo horjeedaan
Wuxuu ku eedeyay in ay Itoobiyaanka doonayaan in ay dib ugu celiyaan magaalada Muqdisho qadka cagaarnaa oo sida uu yiri qeyb Xuseen Caydiid uu ka taliyo, qeybta kalena Cali Maxamed Geedi, isla markaana uu hoggaamiye kooxeed kasta Feynuustiisa iyo Tooshkiisa meel dhigto.
Axmed Shiikh Maxamed Islaan waxaa uu sheegay in aysan Dowlad KMG ah u aqoonsaneyn Qolo sida uu hadalka u dhigay Dambiil lagu wado oo marba meel la dhigayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxmed Geedi Muqdisho heysan karin oo aysan Dowlad ku ahaan karin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online