Axad,
Qofka dhintay ayaa ahayd Hooyadii Qoyska, halka labada ruux ee dhaawacantayna ay kala ahaayeen Aabihii Qoys iyo Gabar uu dhalay, kuwaasi oo dhaawacooda Isbitaal loola cararay kadib markii ay dadka deegaanka u soo gurmadeen.
Lama aqoonsan ciddii qaraxaasi geysatay, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan nooca ay ahaayeen waxa qoyskaasi ku qarxay. Dadka qaarkiis waxay sheegayaan in uu ahaa Bam gacmeed meesha lagu tuuray, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in waxa qarxay ay ahaayeen wax meesha la soo dhigay.
Deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa nawaaxigeeda waxaa dhawaan ka dhacay qarax kale oo aysan jirin cid wax ku noqotay. Qaraxan xalay dhacay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay dad rayid ah bililiqeysteen Bakhaarro uu hub ugu jiray Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo habeenkii ay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Muqdisho isaga tegeen subaxdeedii la arkayay iyagoo haawanaya oo ay albaabadooda is-garaacayaan.
Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay tahay mid aaney jirin cid gacanta ku heysa marka laga reebo awaamiir ka soo baxday mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo dadka ugu baaqay in ay hubkooda ku kala xareeyaan Xerooyinka Hiilweyne iyo Laanta-buuro ee gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online