16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo daba-galay Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamka ee Muqdisho ka tegay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 30, 2006(HOL): Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ay Taangiyo ka mid yihiin ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay daba galeen oo ay u dhaqaaqeen dhanka Magaalada Kismaayo oo saakay ay ka soo muuqdeen Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamka oo muddo lix bilood ah ka talinayay Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka tallaabeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo la sheegay in ay wejiga aadiyeen dhinaca Degmada Baraawe oo isla Gobolka Shabeelaha Hoose  ka tirsan.

 

Dhaqaaqa Ciidamadan oo inta badan la soo wareegay gacan ku heynta gobollo ku yaala Koofurta iyo Bartmaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ay sheegeen in aaney ka hari doonin mas’uuliyiintii iyo Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka ee Muqdisho isaga tegay.

 

Magaalada Kismaayo oo haatan ah halka ay isku uruursanayaan mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu Guddoomiyihii Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiik Axmed uu ka sheegay in aaney dalka Soomaaliya ka bixi doonin, isla markaana ay la dagaalami doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).