Sabti, December 30, 2006(HOL): Banaanbaxyadan iska soo horjeeda oo ka kala dhacay Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa midka ka dhacay Waqooyiga Muqdisho lagu taageerayay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la socda, halka Banaanbaxa ka dhacay Koofurta Muqdishana looga soo horjeeday Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.
Dibadbaxa ka dhacay Waqooyiga Muqdisho ayaa dadkii ka qeybgalay waxay ku qeylinayeen ereyo ay ku soo dhaweynayaan Dowladda Federaalka, iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ka mid ahaayeen dowlad diide dooni meyno, nabadda diide dooni meyno iyo kuwo kale, waxaana xusid mudan in gaadiidka isaga kala goosha W/Muqdisho qaarkood lagu arkayay sawirrada Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo midka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.
Dibadbaxa ka dhacay Koofurta Magaalada Muqdisho oo rabshado watay ayaa waxaa uu xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Folorenza iyo Aadan Cadde, gaar ahaana nawaaxiga Geed Jaceyl, waxayna dadkii halkaasi isugu soo baxay oo taayarro gubayay, dhagxaanna ku tuurayay goobaha ganacsiga ee furan ay ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ay soo kaxeysatay, walow dadkaasi isla deegaanka ay joogeen ay uga soo dhasheen dad kale oo fikirkooda ka soo horjeeda, kuwaasi oo gacanta isula tegay markii ay isu soo dhawaadeen.
Banaanbaxa looga soo horjeeday Ciidamada Itoobiyaanka ee Muqdisho ka dhacay ayaa wuxuu ku soo beegmay wax yar kadib markii uu Guddoomiyihii Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Magaalada Kismaayouu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay meel kasta oo ay joogaan in ay la dagaalamaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku soo duulay, isagoo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalkana ugu baaqay inay ka dhex baxaan Itoobiyaanka.
Maalintii shalay ahayd Salaaddii Jimcaha kadib ayaa waxaa ka dhacay nawaaxiga Ex Koontarool Balcad iyo Wadada Warshadaha Banaanbax rabshado watay oo ay dhigayeen dad ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online