Sabti, December 30, 2006(HOL): Maanta oo ay ku beegan tahay maalintii koowaad ee Cidda Carafo ayaan magaalada Muqdisho si weyn looga ciidan waxaana taasi lagu sababeeyay labo sababood oo kala ah in uu jiro khilaaf u dhaxeeyay Culimada Masjidyada oo iyagu aalaaba isku khilaafa tukashada Salaadaha Ciidda iyo saameyn ay dadka Muqdisho ku yeelatay marxaladda cusub ee ay gashay.
Dadka Muqdisho oo inta aan la gaarin Ciidda u diyaar garoobi jiray maalmihii aynu ka soo gudubnay diyaargarowgaas ma jirin, waxaana hareeyay isbedelkii Muqdisho ka dhacay, gaar ahaan Maxkamadihii Islaamka oo meesha isaga baxay iyo Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo Magaalada Muqdisho soo galay.
Marka ay soo dhow yihiin maalmaha Ciidda waxaa mashquul ahaan jiray Suuqyada, goobaha Dumarku isku qurxiyaan iyo Foornooyinka Buskudka lagu dubo, Xalwadana lagu kariyo, hayeeshee waxaad moodda dadku in aysan niyaddaas lahayn, isla markaana ay maskaxdooda ka guuxeyso su’aal ah sida uu xaalku noqon doono maalmaha soo socda.
Dad aan badneyn ayaa maanta ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo Ciiddii Soonfur ee aan ka soo gudubnay ee ay ku tukadeen dad kumaan kun gaarayay, kuwaasi oo ay tukashada Salaadda kala qeybgaleen mas’uuliyiinta sare ee Maxamadihii Islaamka ee Muqdisho ka talin jiray.
Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaadan ku arkeynin caruur badan oo ciideysa, waxaana dabcan taasi ugu wacan marxaladda kala guurka ah ee ay magaalada Muqdisho gashay.
Dhanka kale maanta magaalada Muqdisho wax dhaqdhaqaaq ciidan ah kama jiro, waxayna taasi ka dambeysay kadib markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu soo saaray wareegto uu ku hakinayo howlgallada ciidamada, si ay dadku wel wel la’aan farxad ugu ciidaan, iyadoo waqtiga yar ee la hakiyayna uu ku egyahay caawa saqda dhexe.
Dadka Magaalada Muqdisho oo muddo lix bilood ah maalayay Nabadgelyo ay dhalashadeeda sabab u ahaayeen Maxkamadihii Islaamka ee Muqdisho isaga tegay ayaa haatan waxay ku jiraan marxalad kala guur ah oo aaney saadaal ka bixin karin waxa ay mustaqbalka dhow ku dambeyn doonto.
Dhanka kalena, wariyaheena magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini ayaa wuxuu noo soo diray warkan ku saabsan sida Gobolka Hiiraan looga ciiday
Munaasbada Ciidul-Adxa oo dhamaan siweyn looga oogayo guud ahaan wadamada islaamka ayaa gobalka hiiraan waxaa uu ka mid yahay qeybaha si weyn looga maamuusay Munaasbada, iyadoo dadka ku dhaqanay Gobalka gaar ahaan Magaalada B/weyn si isku mid ah Salaadda Ciidda loogu wada tukaday Barxad weyn oo ku taala Xerada lagu magacaabo Lama-gaal ee Gudaha magaalada B/weyn
Dadweyne ka kala yimid Xaafadaha magaaladu ka kooban tahay iyo waliba Qaar ka mid mas’uuliyiinta Maamulka Heer gobal iyo degmo ayaa si wada jir ah uga wada qeyb -qaatay salaada, waxaana markii salaada la soo gabo gabeeyay dadku intiisa badan u dhag taagayay Qud bado ay halkaa ka soo heediyaan mas’uuliyiinta ka qeyb gashay kuwaasoo ku aadan Isbadalka dhacay iyo waliba wax u qorsheysan mas’uuliyiinta talada la wareegay mar kale taasoo aan dhicin, waxaana halkaa dadkii salaada ku tukaday qudbad Diini ah uga jeediyay Shiikh C/laahi Cali Barqadle oo ah Madaxa Golaha Culimada Gobalka Hiiraan.
Ciiddii tan ka horeysay ee (Ciidul-Fidriga) Ayaa garoonka Maanta Salaadda lagu tukaday waxaa dadka ku tujiyay Mas’uuliyiinta Maxkamadii islaamiga Gobalka oo xiligaa ay Ilaalo ka ahaayeen Ciidamo ku asteysan Cimaamado Gaduudan, Laakiin Maanta ayaa gudaha Garoonka lagu Tukuday waxaa lagu arkayay Ciidamo la bisay Dareeska Cagaaran oo la sheegay in uu astaan u yahay ciidamada Dowlada Federaalka.
Marka laga soo tago Isbadalka Maamul ee ka dhacay Gobalka ma jirin wax kale oo farqi ah oo la oran karo ciidani waa ay kaga gadisan tahay Tii ka horeysay, Walow marka aad dhanka kale ka eegto la oran karo tani waa ay ka diyaar garow yared ciidihii la soo dhaafay Maadaama dadka Gobalku ahaayeen kuwo ku jiray Marxalad Dagaal iyo Jahwareer u saaxiib ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online