16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxamed Qanyare Afrax oo soo jeediyay in hubka Soomaaliya si cilmiyeysan loo qaado

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 30, 2006(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii ay Muqdisho ka ceyrsadeen Maxkamadaha Islaamka oo shalay dib ugu soo laabtay xaruntiisii Dayniile ayaa wuxuu ka hadlay sida hubka looga dhigi karo dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Qanyare oo sheegay in uusan ka mid ahayn Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan habooneyn in uu arrimahaas faraha la galo, hadana waxaa uu sheegay in uu Xildhibaan ahaan ku talinayo in hubka si cilmiyeysan loo qaado, taasi oo uu ula jeeday in aan inta hubka laga qaado maleeshiyooyinka la dhihin magaalada iska celiya, balse taasi bedelkeed dhaqancelin loo sameeyo.

 

Maxamed Qanyare Afrax waxaa uu intaas ku daray in si ammaanka loo sugo loo baahan yahay in hubka la uruuriyo, wuxuuna caddeeyay in uusan isagu hub dambe raadin u geli doonin, isla markaana uu yahay nin Oday ah oo Baarlamaanka ka tirsan.

 

Maxamed Qanyare Afrax waxaa uu ka hadlay maxkamadihii Islaamka ee Muqdisho uga awood roonaaday, kuwaasi oo iyana ka sii cararay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho soo gaaray, wuxuuna sheegay in ay Mas’uuliyiintii maxkamadaha ay argagixiso ahaayeen, isla markaana ay fashilin jireen shirarkii Soomaalida loo soo qaban jiray ee dib u heshiisiinta ahaa, “Annagu kuwaas waan hurgufnay banaanka ayaan u soo saarnay, kadibna waa la yuubtay” ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax oo aad ugu faraxsanaa in uu dib ugu soo laabtay fariisinkiisa Dayniile.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).