16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Dadka Kismaayo kala hadlay meel fagaare ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 30, 2006(HOL): Guddoomiyihii Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta dadka Kismaayo waxaa uu meel fagaare ah kula tukaday Sallaadda Ciida Carafo, iyadoo markii ugu horeysay tan iyo markii uu Muqdisho ka tegay hadalkiisa la maqlay.

 

Shiikh Shariif waxaa uu dadka kula hadlay Isbartiibada Vekio ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kumaan kun oo dad ah ay Salaadda Ciida ku tukadeen. Shiikh Shariif waxaa uu ka hadlay sababihii ay Muqdisho uga soo tageen, wuxuuna sheegay in ay taasi ahayd in aan dadka lagu dul dagaalamin, isla markaana aan laga carqaladeynin nabadgelyadii ay heleen.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la socda Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo aaney dowladda Federaalka awood u lahayn in ay dalka ka saarto, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin wax Dowlad Federaal ah la yiraahdo oo Muqdisho tegay.

 

Waxaa uu baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay u diyaargaroobaan difaaca dalka, dadka iyo diinta.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in aysan waxba iska bedelin mowqifkoodi ahaa in ay la dagaalamayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay Dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay mar walba guusha u dambeyn doonto dadka Soomaaliyeed.

 

Horayna Shiikh Shariif waxaa uu Wakaaladda Wararka AP oo wareysatay uu u sheegay in aysan ka bixi doonin dalka Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ah.

 

Dhanka kalena, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa intuba waxay sheegeen in ay sii dabagelayaan oo ay soo qab-qabanayaan Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Muqdisho isaga tegay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).