Jimco, December 29, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa caawa wuxuu ku sugan yahay xaafad ka mid ah Degmada Cabdul Casiis ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha oo socdaal dhinaca dhulka ah kaga soo amba baxay Degmada Afgooye ayaa wuxuu booqday Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasi oo uu ku salaamay dadweyne aad u faro badan oo halkaas u tegay in ay soo dhaweeyaan.
Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u tiro badan ayuu Ra’iisal Wasaare Geedi ku tegay Magaalada Muqdisho oo labo jeer oo uu horay u tegay qaraxyo lala beegsaday.
Maalintii shalay ahayd ayuu Ra’iisal Wasaare Geedi diyaarad Helicopter ah ku tegay Degmada afgooye, taasi oo ka soo qaaday magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka, wuxuuna shalay ilaa iyo xalay uu kulamo kula lahaa degmada Afgooye dadka deegaanka iyo xubno ka socday Bulshada Rayidka Muqdisho ka tegay, kuwaasi oo ay is-weydaarsanayeen talooyin ku saabsan sida laga yeelayo xaaladda Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, waxaa maanta Salaaddii Jimcaha kadib ka dhacay agagaarka Ex Koontarool Balcad banaanbax ay dhigeen dadweyne ka soo horjeeday in ciidamada Itoobiyaanka ay soo galaan Magaalada Muqdisho, waxayna dadkaasi oo aad u careysnaa ay sameynayeen jid gooyooyin, iyagoo meelaha qaarkoodna taayarro ku gubay.
Magaalada Muqdisho intii ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen waxaa ka dhici jiray banaanbaxyo looga soo horjeeday in ay ciidamada Itoobiyaan soo galaan dalka Soomaaliya, wey soo galeen, kadibna waxaa la qaban jireen kuwo kale oo lagu dalbanayay in ay dalka isaga baxaan, midkii maanta dhacayna waxaa uu ku saabsanaa in aysan magaalada Muqdisho soo gelin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online