Jimco, December 29, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in munaasabadda Ciidda Carafo darteed la joojiyay howlgalladii ay sameynayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee kaalinaya.
Ujeedada qoraalka uu soo saaray Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay in dadka Soomaaliyeed ay si farxad leh oo cabsi la’aan ah ay u ciidaan, iyadoo qoraalka uu xusayo in laga bilaabo caawa saq dhexe ilaa habeen dambe saqda dhexe la hakinayo howlgalka ay Ciidamada ka sameynayaan dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu maanta kulan kula qaatay Magaalada Baydhabo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, kaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay xiriirka labada dal u sii xoojin lahaayeen.
Kulankaas kadib ayuu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, wuxuuna ka hadlay xaaladda uu dalka Soomaaliya galay, isagoo carrabka ku dhuftay in 16-kii sano ee la soo dhaafay ay dalka Soomaaliya seeriga u hayeen Hoggaamiye Kooxeedyo iyo Maxkamado Islaami ah, iyagiina ay haatan meesha ka baxeen, waxa isu soo harayna ay yihiin sida uu hadalka u dhigay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay halka ay ku dambeeyeen madaxdii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna tilmaamay in ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya, halkaasi oo sida uu ku goodiyay ay ka soo qab qaban doonaan. Madaxweynaha wuxuu waxba
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online