20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Mas’uuliyiinta Shirkadaha Duulimaadyada Soomaaliya oo Dowladda Federaalka ka codsaday in ay xayiraadda ka qaado

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 29, 2006(HOL): Mas’uuliyiinta Shirkadaha Duulimaadyada Soomaaliya ayaa waxay ka codsadeen dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay xayiraadda dhinaca duulimaadka ah ka qaado shirkadahooda.

 

Maamulaha Shirkadda Duulimaadka African Airways Express C/qaadir Maxamuud Dhoorre oo ku hadlayay magaca shirkadaha kale ee la midka ah ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka ka qaado xayiraadda dhinaca duulimaadka ah, si ay howlahooda u sii wataan.

 

C/qaadir Dhoorre wuxuu sheegay in uu saameyn ku yeeshay amar ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ahaa in xuduudaha Badda, Cirka iyo Dhulka Soomaaliya la xiray, isla markaana aysan ku socdaali karin in aan fasax uga heysan Dowladda Federaalka.

 

Maamulaha Shirkadda African Airways Express waxaa uu intaas ku daray in ay xafiisyadooda soo gaarayaan cabashooyin uga imaanaya dad fasaxyo soo qaatay oo ay soo qaadeen, kuwaasi oo uu fasaxii ka sii dhamaanayo.

 

Cabashadan ka imaaneysa Shirkadaha Duulimaadyada Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maanta uu Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Salaad Cali Jeelle uu sheegay in ay dhawaan Dowladda Federaalka howlgelin doonto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay dib u howlgeliyeen Maxkamadihii Islaamka ee ka talin jiray Magaalada Muqdisho ayaa waxaaa isticmaali jiray Shirkadaha Duulimaadyada Jubba Airways, Daallo Airlines, Air Jabuuti, African Airways iyo kuwo kale, wuxuuna tan iyo markii dib loo howlgeliyay uu ahaa mid mashquul ah oo ay ku soo degayeen Diyaarado ganacsi iyo kuwo u socday Mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka ee Muqdisho isaga tegay.

 

Dhanka kalena, Dowladda Masar ayaa waxay soo saartay digniin ay u jeedineyso muwaadiniinta, iyadoo uga digeysa in ay u socdaalaan dalka Soomaaliya oo ay sheegtay in uu xaalad khatar ah ku jiro.

 

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa loogu sheegay Muwaadiniinta Masaarida in ay ka fogaadaan dalka Soomaaliya tan iyo inta ay xaaladdiisa wax iska bedeleyso. Dowladda Federaalka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro Xaalad deg deg, taasi oo dib loogu soo celinayo sharcigii iyo kala dambeyntii.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).