20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in uu is-cafiyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 29, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ka codsaday Shacabka Magaalada Muqdisho in ay soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka, isagoo caddeeyay in ay dowladda u soo qalab qaadatay in ay fuliso waajibaadkeeda.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Beerta Shiikh Zaa’id ee degmada Afgooye kula hadlayay mas’uuliyiin ka socotay Bulshada Radyika iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed u ooman yahay dowlad, nabad iyo kala dambeyn, taasi oo uu caddeeyay in ay waajib tahay in uu helo.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu si cad u sheegay in wixii shalay laga bilaabo uu si rasmi ah u caga dhigtay Qarankii Soomaaliyeed oo muddo 16 sano ah dadaal loogu jiray sidii dib loogu soo nooleyn lahaa.

 

Wuxuu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Geedi Shacabka Soomaaliyeed  meel kasta oo uu joogo in uu is-cafiyo, isla markaana iska iloobo wixii qabyaalad ahaa ee uu horay ugu soo dhaqmayay, wuxuuna ku dhaartay in aan la aqbali doonin in lagu dhaqmo nin jecleysi iyo anigaa meel qabsaday iyo anigaa taabsaday, “sheekadaas in ay xirantay caawa hala ogaado”ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo intaas ku daray in ay dhibaato ugu filan tahay shacabka Soomaaliyeed intii uu horay u soo maray.

 

“Caawa in aan halkan isugu nimaado Ilaahey weyn ka suko waxaa suurtageliyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Dowladda Itoobiya ee diyaar ma u tihiin in aad la shaqeysaan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in ay dhamaatay af-xumadii loo geysan jiray Itoobiya ee la oran jiray waa Amxaaro, waa cadaw, wuxuuna ku tilmaamay hadalladaas awr-kacsi.

 

“Soomaaliya waa in ay kala barataa ciddii u roon iyo ciddii u daran, waxaad la socotaan dalal aan is-jecleysiino in ay Gabdhaheena Soomaaliyeed iyagoo Uur leh oo tarxiil ah ay diyaaro ku dul dhalaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo markaasi ku soo hal qabsanayay in shacabka Soomaaliyeed ay xuquuq aysan ku heysan dalalka kale ay ku heystaan Dalka Itoobiya.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in ay shaqadii Dowladda Federaalka Soomaaliyeed  ay bilaabatay, wuxuuna ka digay in dhayal loo qaato awaamiirta ay bixineyso ee ay dalka dib ugu soo celineyso sharcigii iyo kala dambeyntii.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi oo qudbaddiisa ay kaftan u badneyd ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka dalka ka sifeyn doonto wax uu ugu yeeray Cadawgii Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku goodiyay in aaney kuwa uu cadawga ugu yeeray aaney taako ka mid ah dalka  Soomaaliya ku noolaan doonin iyagoo cadawga Umadda Soomaaliyeed ah, isagoo dhinaca kalena dowladaha Soomaaliya la deriska ah ugu baaqay in xuduudahooda ka xirtaan kooxaha isaga baxay Magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo dalka Soomaaliya ka tirsan.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).