20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Baydhabo kulan ku wada leh

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 29, 2006(HOL):  Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacado ka hor soo gaaray magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa wararka Baydhabo naga soo gaaraya waxay sheegayaan in uu kulan la leeyahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay ka wada hadlayaan xaaladda cusub ee uu galay dalka Soomaaliya.

 

Danjiraha Dowladda Federaalka u fadhiya Magaalada Addis Ababa C/kariin Faarax Laqanyo oo wafdiga Syoum Mosfen la socda ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta labada dal ka wada hadlayaan sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarka, dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga.

 

Danjire Laqanyo waxaa uu intaas ku daray in waxyaabaha ay ka wada hadlayaan mas’uuliyiinta labada dal ay ka mid yihiin sidii dalka looga sii sifeyn lahaa raggii ay Dowladda Federaalka iska soo horjeedeen, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in ay qaarkood Muqdisho ku sugan yihiin, qaar kale oo mid ahna  sida uu hadalka u dhigay ay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Addis Ababa C/kariin Laqanyo oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka ku sugan ay ku jiraan howlgal lagu soo celinayo xasiloonidii Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamadaas iska laaban doonaan haddii uu howlgalka u dhamaado.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen ayay u tahay markii labaad ee uu tago Magaalada Baydhabo sanadkan gudahiisa, wuxuuna dhamaan booqday Magaaladaas xili uu u socday xalinta khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).