20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ugu baaqay Dowladda Federaalka in aysan aar-goosan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 28, 2006(HOL): Culumaa’udiinka ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo maanta kulan ku yeeshay Mowlaca Shiikh Muxyaddiin Celi ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in aysan aar-goosan.

 

Shiikh C/qaadir Soomow oo u hadlay Culumaa’udiinkaas ayaa sheegay in ay isla garteen in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ugu baaqaan in ay soo dhaweyso dadkii ka soo horjeeday oo qaarkood ay dhici karto in ay Muqdisho ku hareen.

 

Shiikh C/qaadir Soomow wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay dulqaad muujiso, isla markaana ay u dhaqanto sidii Nelson Mandella oo kale oo markii uu xukunka la wareegay aan isagu ka aar-goosan askartii iyo madaxdii xabsiga dhigay ee weliba ciqaabay.

 

Waxaa iska soo daba dhacaya baaqyo loo jeedinayo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ku aadan in ay  Dowladda wax ka qabato marxaladda cusub ee ay gashay Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen Maxkamadihii Islaamka, waxaana baaqyadaas jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xuseen Xaaji Bood, Jen. Maxamed Nuur Galaal, C/llaahi Maxamed Shirwac, Macallin Nuur Maxamed Siyaad, Maxamuud Cali Ugaas,  Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal), Sahra Cumar Maalin iyo xubno kale, waxayna xubnahan dhamaantood ka dalbanayaan Dowladda Federaalka in aysan beylihin nabaddii ay dadku heleen mudadii ay Maxkamadaha Islaamka xukunka heysteen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).