20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Meles Zenawi oo sheegay in aysan ka hari doonin Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamka ee Muqdisho isaga tegay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 28, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in aysan ciidamadiisa ka hari doonin hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamka iyo ciidamadooda oo xalay iyo saakay isaga tegay Magaalada Muqdisho.

 

Meles Zenawi oo warfidiyeenada kula hadlayay Magaalada Addis Ababa waxaa uu sheegay in ay baacsanayaan Ciidamadiisa rag uu sheegay in ay tirsan yihiin Xarakada Shabaab iyo Mujaahidiinta Caalamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay tuhmayaan in ay raggaas u baxsadeen dhinaca Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose, gaar ahaana magaalooyinka Marka iyo Kismaayo.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka haatan ku sugan yihiin duleedka Magaalada Muqdisho, isla markaana ay socdaan wada hadallo ay leeyihiin Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalada Muqdisho.

 

Meles Zenawi ayaa dhowr jeer ku celceliyay in ay Maxkamadihii Islaamka ee lixda bilood Muqdisho ka talinayay ay dalkiisa iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ay khatar ku ahaayeen, isagoo caddeeyay in ay maxkamadaha Islaamka adeegsanayeen Xoogag Dowladdiisa ku kacsanaa iyo weliba Ciidamo ay leedahay Dowladda Eretereya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).