16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Degmada Afgooye ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 28, 2006(HOL): Wafdigan ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xubno ka ahaayeen Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Mowliid Macaani Maxamuud, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) iyo Saraakiil kale oo dhinaca Ciidamada ah.

 

Wafdigan waxaa Degmada Afgooye geeyay labo diyaaradood oo nooca Helicopters-ka ah, waxayna dadka deegaanka kulan kula qaateen Beerta Shiikh Za’id ee Degmada Afgooye, iyagoo ka soo kicitimay Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid ayaa wuxuu hadal u jeediyay Dadka Degmada Afgooye oo markii ay maqleen wafdiga Dowladda ee imaanaya iyaga isugu soo xoomay Beer Shiikh Za’id, wuxuuna u gudbiyay salaan uu uga siday madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka, iyadoo salaantaasina ay dadku ka qaateen.

 

Haatan waxaa la sugayaa hadal uu Ra’iisal Wasaare Geedi u jeedin doono mas’uuliyiin ka socota Ururrada Bulshada Rayidka, kuwaasi oo maanta laga dhex doortay kulan ay Xubnaha Bulshada Rayidka ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha Bulshada Rayidka ee maanta shirka yeeshay ayaa waxay guddoonsadeen in ay Dowladda Federaalka ku qanciyaan in aysan Ciidamada Dowladda Federaalka ee la socda aysan soo gelin gudaha Magaalada Muqdisho, iyagoo taasi uga gol leh in aysan isku dhicin dadka Shacabka ah iyo Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Wixii Warar ah ee soo kordha kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).