Khamiis, December 28, 2006(HOL): Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday qorshe hub ka dhigis ah oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo saartay.
C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in sida uu u yiri cadawgii ay la dagaalamayeen markii ay ka awood roonaadeen ay hubkii ku wareejiyeen shacabka, sidaas darteedna wuxuu carrabka ku dhuftay in ay dowladda Federaalka soo saartay amar ah in ay shacabka hubka ku wareejiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dadka ku dhaqan Koofurta Muqdisho ayuu sheegay in ay dowladda go’aamisay in ay hubkooda geeyaan Laanta-buuro, kuwa ku dhaqan Waqooyiga Muqdishana ay hubkooda geeyaan Hiilweyne.
Dadka ku dhaqan Jubbooyinka ayuu sheegay in ay hubkooda geeyaan Jubbooyinka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa ku dhaqan Gobolka Gedo ayuu sheegay in ay hubkooda geynayaan Baardheere, halka uu shacabka Hiiraan u yeeshay in ay hubkooda geeyaan Deegaanka Ceel Gaal. Dadka ku dhaqan Gobollada Galgaduud iyo Koofurta Mudug ayuu sheegay in hubkooda geynayaan Degmada Cadaado. Dhinaca Deegaanada Puntland ayuu sheegay in dadka looga baahan yahay in ay hubkooda geynayaan Xerada 54aad ee ku taala Degmada Garoowe, iyadoo dhamaan deegaanada ay dowladdu sheegtayna ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in dalka uu gelayo marxalad xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay dadka in ay muujiyaan dulqaad iyo deganaan, isagoo dhanka kalena shacabka ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan Dowladda Federaalka oo Muqdisho ku sii jeeda.
Dhanka kalena Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku sugnaa ayaa maanta waxay shir ku qaateen gudaha Dekedda Muqdisho, waxayna shirkooda jaraa’id kadib sheegeen in ay Muqdisho u joogaan Dowladda Federaalka, isla markaana ay howlaha sii wadayaan, iyagoo caddeeyay in ay xiriiro wada sameeyeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Xildhibaanadan oo uu kulanka ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Gaabow ayaa waxay soo saareen qodobo ay Xukuumadda Federaalka la ogtahay oo ay ka mid yihiin in la howlgeliyo Maamulka Gobolka Banaadir, in la hubiyo Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si ay u sii shaqeeyaan, in hubka magaalada Muqdisho lagu xareeyo Hiil weyne iyo Laanta-buuro, in wafdi ka socda Dowladda Federaalka uu imaan doono, kaasi oo u sii gogol xaari doono in ay dowladda Muqdisho u soo wada guurto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online