Khamiis, December 28, 2006(HOL): Deegaanka Xaawo Cabdi oo u dhaxeeya Lafoole iyo Ceelasha biyaha Afgooye ayaa la sheegayaa in ay gaareen sahanka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay isu qaban qaabinayaan sidii ay Magaalada Muqdisho ku geli lahaayeen. Dhinaca Gobolka Shabeelaha Dhexe Ciidamadii ka soo socdayna waxay haatan ku sugan yihiin Deegaanka Hiilweyne ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamadan oo saakay ka soo kala dhaqaaqay deegaanada Leego iyo Qalimow ayaa meelihii ay soo mareen lagu soo dhaweeyay iyadoo aaney jirin cid ka hor timid oo caqabad ku noqotay.
Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u waramayay Taleefashinka Al-jazeera in ay mas’uuliyiinta Maxkamadaha uga baxeen magaalada Muqdisho sabab la xiriirta iyagoo diidaya in ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka ku dagaalamaan gudaha Magaalada.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta wuxuu soo saaray wareegto uu sheegay in ay la ogtahay Dowladda Federaalka, taasi oo dadka hubka ku heysto gobolka Shabeelaha Dhexe uu ku farayo in ay hubka ku soo xareeyaan muddo 9 cisho gudahood ah, isagoo sheegay in ciddii aan mudadaas hubka ku soo xareynin loo aqoonsan doono in ay ka soo horjeedo awaamiirta Dowladda Federaalka, isla markaana ay ka tirsan tahay Maxkamadihii Islaamka ee ay ka awood roonaadeen.
Maxamed Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu guddoomiyaha degmada Balcad si KMG ah ugu magacaabay C/llaahi Maxamed Rooble, isagoo mas’uuliyiinta Dowladdana ka codsaday in ay mas’uulkaas ku gacan siiyaan gudashada xilkiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online