16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u deynayaan in ay aayahooda ka tashadaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 28, 2006(HOL): Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho, waxayna shirkoodaas ku sheegeen inay go’aansadeen in ay shacabka Soomaaliyeed u daayaan in ay aayahooda ka tashadaan.

 

Shirka jaraa’id oo ay fadhiyeen Guddoomiyayaasha Golaha Shuurada iyo Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay warsaxaafadeed ay soo saareen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow.

 

Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu sheegay in tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka talada la wareegeen ay dalka Soomaaliya deegaano ka mid ah ka hirgeliyeen nabadgelyo iyo wax fara badan oo wanaag ah, gaar ahaa dhinacyada amniga, garsoorka, horumarinta dalka iyo furidda dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Shiikh C/raxmaan waxaa uu sheegay in kadib markii ay dalka ku soo duuleen quwado shisheeye oo isu kaashaday burburinta dalka dadka iyo diinta ay go’aansadeen in ay ka hortagaan in magaalada Muqdisho uu dagaal dhiig badan ku daato iyo bur bur uu ka dhaco, wuxuuna intaas ku daray in ay soo saareen qodobo ay ka mid yihiin:

 

In la ilaaiyo mabaadii’da, jiritaanka iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed

 

In Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ay ogol yihiin in Umadda Soomaaliyeed ay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay u diyaargaroobaan in ay la wareegaan xilka ay hayaan.

 

In Maxkamadaha Islaamka ay go’aamiyeen in aan loo ogoleyn wadanka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho in ay ka dhacaanwax fowdo iyo qas ah, iyadoo ciddii lagu helana la hor keenayo sharciga, iyadoo laga qaadayo tallaabada ku haboon ee waafaqsan Shareecada Islaamka.

 

In Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ay mas’uul ka yihiin Amniga iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho

 

Ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka meel walba oo ay joogaan in ay amniga magaalada gacanta ku qabtaan, ayna ku diyaar garoobaan meelaha ay mas’uuliyiintooda u tilmaamayaan sida Saldhigyada Booliska iyo Xarumaha la midka ah ee Amniga laga sugo.

 

Intaas kadib waxaa shirka jaraa’id ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxuuna sheegay in nabadda magaalada Muqdisho iyo dhamaan meelaha ay gaareen ciidamada Maxkamadaha Islaamka  ka jirta dadaal badan laga soo maray, isla markaana ay dad badan u dhinteen, hanti badanna lagu bixiyay sidii dadka ay nabad u heli lahaayeen, wuxuuna caddeeyay in ay fool xumo tahay in ay nabaddii ay dhaliyeen ay cadaw dartiis u dayacaan.

 

Shiikh Shariif waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku gacan siiyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibka ka saaran in ay nabadda sugaan, isagoo ka digay in la saamaxo in ay fowdo ka dhacdo dalka Soomaaliya, gaar ahaana caasimadda Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).