Khamiis, December 28, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamadii Itoobiyaanka iyo Soomaalida isugu jiray ee la soo wareegay gacan ku heynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay daqiiqado ka hor ka gudbeen Buundada Degmada Balcad, iyagoo ku sii jeeday dhinaca wadada Xamar aada.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamadan oo ku hubeysan Taangiyo aad u badan iyo gaadiid kale oo dagaal ay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Muqdisho, iyadoo degmada Balcad markii ay ka soo gudbayeen ay dadku u sacab tumayeen.
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo lix bilood kadib la wareegay gacan ku heynta Magaalada Jowhar ayaa shalay mar uu la hadlayay dadka Degmada Jowhar waxaa uu sheegay in ay doonayaan in ay u sii gudbaan dhinaca Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka galaan Waddooyinka Balcad iyo Afgooye.
Ciidamadan Itoobiyaanka iyo Soomaalida isugu jira ee la sheegayo in ay u sii socdaan dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa waxay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta Magaalada Muqdisho oo ay ka sii baxeyso awooddii Maxkamadaha Islaamka.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shalay sheegay in aysan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ay garabka isku hayaan aysan wax dagaal ah ka ridi doonin magaalada Muqdisho, wuxuuna ka rajeeyay dadka Muqdisho inay ay Ciidamada u imaanaya ay caleemo qoyan ku soo dhaweeyaan.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Dhinaca Degmada Afgooye ayaa sheegaya in ay halkaas soo gaareen Ciidamadii Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jiray ee ku sii siqayay Magaalada Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in ay ciidamadaas haatan ku sugan yihiin Deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Hiiraan Online
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online