Khamiis, December 28, 2006(HOL): Magaalada Muqdisho oo ay muddo lix bilood ah ka talinayeen Maxkamadaha Islaamka ayaa xalay waxay ku waabariisatay xaalad cusub oo dadka cabsi gelisay, waxaana xalay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho laga maqlayay dhawaqa rasaas ay isku ridayaan maleeshiyooyin beeleedyo qamaam ah iyo kuwii Maxkamadaha Islaamka oo doonaya inay xakameeyaan.
Xaafadda Sii Sii ee kala qeybisa degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa waxaa xalay isku rasaaseeyay maleeshiyooyin deegaanka ah iyo kuwii Maxkamadaha Islaamka, waxayna is-rasaaseyntooda bilaabatay kadib markii ay maleeshiyooyinka deegaanka dalbadeed in lagu soo wareejiyo hubka maxkamad halkaas ka howlgeli jirtay.
Sidoo kale waxaa rasaas xooggan ay ka dhacday agagaarka Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhaweyd Xaruntii Maxkamadaha Islaamka oo la sheegayo in haatan ay albaabadeeda is-garaacayaan kadib markii la bililiqeystay.
Sidoo kalena waxaa bililiqo loo geystay keydkii hubka Maxkamadaha iyo mid kale oo raashin lagu keydin jiray. Shaqaaqada halkaas ka dhacday ayaa waxaa ku dhintay ilaa seddex qofood oo meydkooda lagu arkayay agagaarka Xaruntii Maxkamadaha.
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa kacsan, waxayna dadku ka wel welsan yihiin in ay dhacaan dagaallo kale iyo falal aar goosi ah oo loo geysto howl wadeenadii maxkamadaha Islaamka, gaar ahaan kuwii xukunnada adag fulinayay, waxaana loo baqayaa ciidamo ka tirsanaa maxkamadaha Islaamka oo ka soo jeeda beelaha aan hubeysneyn, kuwaasi oo dadka waddooyinka ku garbaashi jiray.
Waxaa xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho dib uga soo cusboonaaday falalkii dhaca ahaa ee dadka rayidka ah loo geysan jiray, waxaana meelaha qaar lagu dhacay gaadiid iyo taleefoonnada gacan qaadka ah ee Mobiles.
Dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa joogsaday howlihii ka socday, waxaana la sheegayaa in ay dekedda Muqdisho dib ugu laabatay gacan ku heynta maleeshiyo beeleedyo horay u heystay Dekedda.
Haddaba siyaasiyiin, saraakiil ciidan, culumaa’udiin iyo haween si weyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho ayaa waxay baaqyo u jeediyeen Muqdisho, iyagoo ka codsaday in ay xaaladda qaboojiyaan, isla markaana laga hortago in ay dhacaan falal nabadgelyo darro keeni kara.
Xuseen Xaaji Bood, Jen. Maxamed Nuur Galaal, Macallin Nuur Maxamed Siyaad iyo Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) ayaa ugu baaqay dadka Muqdisho in ay is-dejiyaan, isla markaana ay u howlgalaan sidii nabadgelyada loo dhowri lahaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay u baahan awood la mid ah ama ka xoog badan tii Maxkamadaha Islaamka, taasi oo xakameysa maleeshiyooyinka qamaamka ah ee doonaya in ay ka faa’iideystaan marxaladda kala guur ah ee ay gashay magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online