16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Xaafado ka mid ah Degmooyinka Magaalooyinka Muqdisho oo ay gacan ku heyntooda la wareegeen Maleeshiyooyin Beeleedyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 27, 2006(HOL): Kadib markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay ku soo dhawaadeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilaabatay in ay xaafado ka mid ah Degmooyinka Muqdisho ay ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ee ku sugnaa ay bilaabaan in ay isaga tagaan.

 

Xaafadaha Siinaay, Afarta Jardiino qeybta xisaabsan degmada Boondheere ayaa waxaa la wareegay gacan ku heyntooda maleeshiyooyin ka soo jeeda deegaanka, kuwaasi oo maxkamadaha ka hor meesha ka sugnaa.

 

Taliyaha Maleeshiyooyinkan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Sabriye Garjeex ayaa sheegay in kadib markii ay ciidamada Maxkamadaha meesha isaga baxeen ay go’aansadeen in ay gacan ku sii hayaan nabadgelyada ilaa ay uga imaaneyso Dowladda Federaalka.

 

Garjeex waxaa uu intaas ku daray in ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ay nabadgelyada sugi jireen, iyaguna ay haatan nabadgelyada sugayaan, isla markaana ay ka hortegi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay sameysto falal nabadgelyo darro ah.

 

Xaafado kale oo hoos yimaada Degmada Kaaraan ayaa iyadana waxaa la wareegay gacan ku heyntooda maleeshiyooyin Beeleedyo halkaas ay Maxkamadaha horay ugala wareegeen, kuwaasi oo qaarkood ka amar qaadan jireen  Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Muqdisho ka ceyrsadeen Maxkamadaha Islaamka.

 

Waddooyinka Magaalada Muqdisho haatan laguma arko Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka, waxaana meel meel dhif ah marka aad mareyso waddooyinka kaaga hor imaanaya gaari ay ilaalo ka hayaan oo dabcsan uu saaran yahay qof Mas’uul ah.

 

Magaalada Muqdisho ayaa caawa markii ugu horeysay laga maqlayaa dhawaqa rasaas la is-weydaarsanayo, taasi oo aysan dadku maqlin muddo lix bilood ah oo ay Maxkamadaha Islaamka gacanta ku wada hayeen magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dadka Muqdisho oo ayaa la fajacsan sida ay meesha uga sii baxeyso awooddii Maxkamadaha Islaamka oo muddo 6 bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, walow aysan meesha ka marneyn in loo itaal sheegtay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegi karta meesha ay aadeen mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka oo iyagu si dhib ah Muqdisho gacan ku heynteeda ugala wareegay Hoggaamiyayaashii Muqdisho oo mar kale u muuqda in ay soo noolaanayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).