16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Waa sidee Xaaladda Degmada Jowhar kadib markii ay dib ugu soo laabatay gacanta Maxamed Dheere?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 27, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in caawa magaaladaas degan tahay kadib markii ay maanta gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.

 

Dadka Magaalada la sheegayaa in ay 70% la dhacsan yihiin dib u soo laabashada maamulkii Maxamed Dheere, waxayna durba bilaabeen dadku in ay dib u furaan goobo ganacsi oo ay Maxkamadaha Islaamka ka xireen.

 

Dadka la dhacsan is-bedelkan ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxay isugu jiraan dhalinyaradii ay Maxkamadaha Islaamka ka joojiyeen daawashada ciyaaradaha Isboortiga iyo Filimada iyo sidoo kale dadkii iyana laga joojiyay in ay Qaadka ka ganacsadaan, isla markaana ay Shineemooyinka dadka u shidaan. Sidoo kalena waxaa maanta dib u bilowday baahinta heesaha dabacsan Idaacadda Jowhar oo ay Maxkamadaha Islaamka horay ugu soo rogeen amar ah in aaney tebin karin heeso dabacsan, marka laga reebo kuwa Wadaniga ah iyo Gabayada.

 

Magaalada waxaa haatan ku sugan Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, wax dhibaato ahna kama jiraan, waxayna dadku maanta ciidamadaas ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo heestii maanta-maanta-maanta, halka ay 14-kii June ay Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ku soo dhaweeyeen Allaahu Akbar iyo ereyo kale oo ay ku muujinayeen sida ay raali uga yihiin la wareegitaanka Magaalada Jowhar ee Maxkamadaha Islaamka.

 

Dhanka kalena, waxaa ku soo qulqulaya Deegaanka Qalimow oo Jowhar ka xigta dhinaca Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka, waxaana la sheegayaa in ay Ciidamadan ku wajahan yihiin Magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca Wadada Xamar ka baxda ee Baydhabo ayaa iyadana laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaana sida uu maanta shaaciyay Maxamed Dheere ay Ciidamadaas dhinaca Afgooye ka geli doonaan Muqdisho, halka kuwa Qalimow jooga ay iyana dhinaca Balcad ka geli doonaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).