Arbaco, December 27, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa ugu baaqay Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan difaaca dalka oo ay ku soo duuleen ciidamo Itoobiyaan ah.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaaalada Muqdisho kadib markii uu kulan la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aan Ciidamada Xoogga Dalka looga maarmeynin difacaa dalka.
Shiikh Shariif waxaa uu qiray in Ciidamada Maxkamadaha Islaamka aysan ku filneyn ka hortegidda Ciidamada Itoobiyaanka, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Ciidamada Xoogga Dalka iyo in ay ka qeyb qaataan difaac dalka bacdamaa ay aqoonta Ciidamada leeyihiin.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaan deegaanadii ay qabsadeen ay ka geysteen falal isugu jira xasuuq, kufsi iyo dhac iyo fasahaadin kale, wuxuuna caddeeyay in Umadda Soomaaliyeed mas’uuliyad ka saaran tahay isla markaana ay ka difaaci doonaan Cadawga ku soo duulay.
Waxaa uu sheegay Shiikh Shariif in uu hubo in ay Ciidamada Itoobiya ka adkaan doonaan, isla markaana ay soo noqon doonto Xornimada Umadda Soomaaliyeed, isagoo u sheegay shacabka Itoobiya aysan jirin cadaawad kala dhaxeysa shacabka Soomaaliyeed balse waxa ay ka soo horjeedaan ay yihiin Ciidamada Tigree-ga.
Intaas kadib waxaa isna shirka Jaraa’id ka hadlay Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. Xaashi Xasan Food Cadde, wuxuuna sheegay in uu Meles Zenawi ku dhawaaqay in uu dagaal rogaal celis ah ku qaaday dalka Soomaaliya, sidaas darteedna looga baahan yahay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya in ay xarumahoodii isku uruursadaan, si ay uga hortagaan Ciidamada Itoobiyaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online