20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Xaaladda Magaalada Jowhar oo kacsan kadib markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah u soo dhaqaaqeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 26, 2006(HOL): Xaaladda Degmada Jowhar ee gobolka Shabeeaha Dhexe ayaa wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan in ay kacsan tahay, isla markaana ay dadkeedu u dheg taagayaan dagaal ka dhex qarxa Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo ku soo wajahan iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo haatan gacanta ku haya Magaalada Jowhar.

 

Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ayaa waxay la sheegayaan in ay ka soo gudbeen Deegaanka Buur-weyn ee gobolka Hiiraan kadib markii ay saakay mas’uuliyiin Soomaali ah oo la socotay  Ciidamada Itoobiyaanka ay u qudbadeeyeen dadka Degmada Buulo Burte.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka iyo Soomaalida isugu jira ayaa dad saakay ku arkay Degmada Buulo Burte waxay sheegeen in ay wataan ilaa 50 gaadiidka dagaalka ah oo ay ku jireen Kaarayaal iyo Beebeyaal. Hoggaamiyayaasha Soomaalida ah ee la socda Ciidamada Itoobiyaanka ayaa laga magacaabay Maxamed Dheere oo ka talin jiray Degmada Jowhar, Cabdi Waal iyo C/qaadir Beebe oo ka mid ahaa Hoggaamiyayaashii Muqdisho iyo Yuusuf Daba-geed oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee dadka Degmada Jowhar ayaa ku jira xaalad cabsi dagaal, waxaana meelaha qaarkood albaabada loo laabay goobihii ganacsiga, iyadoo ay jiraan dad alaabahooda kala baxay magaalada. Dadka Degmada Jowhar ayaa muddo shan sano ah waxaa xukumayay Hoggaamiye kooxeedka Maxamed Dheere, halka muddo lix bilood ku dhow ay ka talinayaan Golaha Maxkamadaha Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).